..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Sunday, August 27, 2017

Shirqoolkii Birmingham-Qaybtii 2-aad: Cali Cumar Xasan

F.G: Akhriste, si aad sheekadan si fiican ugu fahamto fadlan, marka hore hoosta ka akhri qaybaheedii hore oo kala ah   "qaybta hordhaca ah iyo qaybta 1aad"

..... Sida aan ku soo sheegay qaybtii kowaad ee qoraalkan"Shirqoolkii Birmingham qaybtii 1aad", dalka Holland oo aan mudo dheer ku noolaa waxanu maryo-dhiigle soo kala furanay dhakhtaro iyo dad kale oo Hollandiis ah oo qoyskayga waxyeelooyin u gaystay iyo, weliba dad Soomaali ah oo ay Hollandiisku adeegsanayeen oo dhuuni iyo faro-guudkood wax lagu qaado lagu soo dagaal gelin jiray!  Mudo aan yarayn markii aan hadaba keeb-la-yuurur ahaa ee aan labadaas kooxood ee is-bahaysanaya dhufayska ugu jiray ayaan gar-waaqsaday, in qoyskayga aan mustaqbal wanaagsan oo dambe Holland ugu hadhin ee ay lama huraan tahay in nafta meelo kale loola harbo.  Dalka Ingiriiska, oo ay Soomaali badan oo Holland iyo dalalka kale ee Yurub-ba qaxooti ka ahaan jirtay ay hortay u soo guureen, ayaa markii aan taloda rogrognay noogu muuqatay meesha ugu haboon ee wax laga bilaabi karo.

Tuesday, August 15, 2017

Shirqoolkii Birmigham- Qaybtii 1aad.; Cali Cumar Xasan

F.G; Akhriste, si aad sheekada u-wada fahamto, fadlan, marka hore akhri qaybta hordhaca ah ee aan boggan (hoosta) ku soo lifaaqay.

Ogsoonoow; "Dhacdadan aan ka sheekaynayaa waa wax dhab ah!"

..... Sahra Xasan, oo ah gabadhii warka digniinta ah ii siday (...ka akhri hoosta qaybta Hordhaca ah) waxan waydiiyay su'aalo dhawr ah oo ay ka mid yihiin halka/cida ay ka maqashay warkan iyo goorta ay maqashay?. Sahra waxay ii sheegtay in sheekadu ka soo maaxatay dumar ku-xidhan Social media-ha oo waxa ay tidhi; "dumar ayaan hadalkan ka maqlay, waana dhab ee walaal is-ilaali oo ogoow sheekooyinkan shakhsiyadaada ku saabsan ee la faafinayo waxa looga dan leeyahay in lagugu dhibaateeyo!" Sahra, waan u mahad naqay, isla-markaana waxan ugu sheekeeyay waxyaalo hore oo dhacay oo arintan ay ii sheegayso ee shirqoolka ahina ay daba-socoto, oo mudo hore ka bilaabmay dalka Holland, waxana ka mid ahaa;

Wednesday, August 2, 2017

"Hordhac": Shirqoolkii Birmingham. Cali Cumar Xasan

Hordhac:

- Bishii Todobaad ee ina dhaaftay badhtankeedii, gabadh reer Somaliland ah oo cadhaysan ayaa soo gashay Tukaan aan ka shaqaynayay. Dabadeed, aniga oo afaafka  tukaanka agtiisa jooga ayay igu tidhi; "Walaal, ninka la yidhaa Cali Cumar Xasan, ee haybtiisu tahay reer Gabiley ma tahay?". Anniguna, ma yaabin mana dafirinne waxan gabadhii ugu jawaabay oo aan ku idhi "Haa", walaal ninkaasi waa aniga.Gabadhii ayaa dabadeed magaceeda ii sheegtay oo tidhi; "Aniga magacaygu waa Sahra, waxana aan ahay gabadh Ina-adeertaa ah, waxana aan saaka kuugu imid inaan kuu digo, oo waa lagu shirqoolayaa oo lagu dhibaataynayaaye aad is-ilaaliso!". Marka ay Sahra (ina-adeertay) erayadaas ileedahay Ilmo ayaa indhaheeda ka soo qubanaysa. Waxa ay sii raacisay iyada oo ooyaysa "kuwii ragayaga ku dhameeyay Soomaaliya ayaa halkan-na (UK) doonaya inay hambadii hadhay ku laayaan!"