..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Saturday, September 30, 2017

Why the UK should support a sovereign Somaliland: Ahmed M.M Silanyo

"An independent Somaliland would provide security in a strategically sensitive region, a growing market for goods and services, and an important bulwark against extremism." Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo

- On 24 June 1960, The London Gazette published a proclamation by HM the Queen terminating British protection over the Somaliland Protectorate and declaring that Somaliland would become ‘’an independent country” on 26 June. That day, in Somaliland’s capital, Hargeisa, the union flag was lowered for the last time and the US Secretary of State sent a message of congratulation.  Five days later, Somaliland voluntarily joined Italian Somalia to form a new state: the Somali Republic.

Aasaaskii SNM: Prof. Ibrahim Maygaag

- Ummad waliba waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo had iyo jeer haga mustaqbalka bulshada kana duwa gefaf badan oo dhici lahaa. Hadaba in loo hagar baxaa qorista iyo diiwaan gelinta hawshani waa xil qaran .Bahda mareegta farshaxan waxay si sharaf leh uga codsatey Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka SNM, ahna aqoonyahan ku xeel dheer dhaqaalaha,siyaasada ,iwm , mudane Ibraahim Maygaag Samater inuu la wadaago soojireenkii halgankii dib ula soo noqoshada gobanimadii deeqda loo bixiyey ee wadanka Somaliland .Ka dib markii Bahda mareegta farshaxan la yeelatay xidhiidh telefoon ,wuxuu si hagar la’aaneed Mudane Ibraahim ugu soo diray qoraalkan taariikhgalka ah isagoo kaga waramaya halgankaa . Waxaanu mudane Ibraahin (Ilaahay ha ka abaal mariyee) ku bilaabay qoraalkiisa sidan:

Friday, September 29, 2017

Dadka Oromoda, ha loo ogolaado inay degaan J.Somaliland

"Ugu dambaynta bal, labadaa fal ( Oroma-nacaybka iyo u hiilinta Rooxaniga-Burma) isku geeya oo maxaa kuu soo baxaya?? Sal-fudayd ayaa muuqanaya." Cali

- Dadka reer Somaliland, oo caan ku ah dal-marnimadu waxa ay mudo dheer oo Qarniyo ah u dhoofayeen dhamaan qaaradaha aduunka, halkaas oo qaar badan oo inaga mid ahi ay dagayeen, ka shaqaysanayeen, ku dhalayeen oo ay waliba ugu damabayntana dalbanayeen Jinsiyadda wadamada ay martida u yihiin oo la siinayay. Hadaba, waxa aan is-qabanayn oo wax la diido ah, in aan caalamka ku nidhaah: "tiinana aan idin-kula dhuuqno taaydana noo daaya," oo aanu ujeedo, aan dhulalkiinana idin-la yeelano kaayaguna gaar ha anoo ahaado. Arintaasi wax soconysa ma aha.

Dr. Hussein A. Bulhan: Psychology in the metacolony

- The emergence and growth of psychology as a discipline took place not only at a time of social change and conflict in Europe but also while Europeans and their descendants were carrying out violence in search of profit and in cultural, social and psychological self-aggrandisement. As Europeans conquered much of the world, imposing themselves as the best model of humanity, the discipline of psychology emerged as a speciality and arbiter of human experience.
During classical colonialism, psychologists and psychiatrist embarked on racial comparison on the size of the brain, concluding from biased measurements that Africans belonged to a lower evolutionary phase.

DP World to fund healthcare access in Somaliland


- Dubai-based DP World, a global trade enabler, will provide a $2 million donation to help increase water availability and improve healthcare in Berbera following an agreement with the Government of Somaliland. The move is in line with the Sustainable Development Goals (SDGs) of the United Nations to build a better world over the next 15 years.

The funding builds on DP World’s ongoing work in Somaliland where it has a 30-year concession to develop a multi-purpose project at the Port of Berbera. The initiative aligns with the UN’s 17 goals for sustainable development that address major issues such as access to clean water and sanitation, ending poverty and hunger, improving health and education, combating climate change, and protecting our oceans and forests. It also forms part of DP World’s “Our World, Our Future” global sustainability programme.

Monday, September 25, 2017

Shirqoolkii Birmingham-qaybtii 5aad ee u dambaysay: Cali Cumar Xasan.


F.G: Akhriste, si aad sheekada oo dhan u fahamto fadlan, ku horee akhriska qaybihii hore oo aan hoosta kuugu soo lifaaqay.

- Akhristayaasha milgoda-leh, intiinii qoraaladan kooban (shirqoolkii Birmingham) la socotay iyo darka kale ee haatan dhexda kaga soo biirayoow, qaybaheenii hore ee sheekadan waxan ku soo bandhigay mushkilado aan tafaasiishoodaa si dul-carar ah uga soo sheekeeyay, oo mudo dheer soo socday oo na dhex-yaal dad Holland-iis ah iyo qaar Soomaali ah. Hadaba, qaybtan maanta oo ah tii 5aad ee u dambaysay waxaynu qooraansiyi doonaa dhawr qodob, oo kale duwan oo ay ugu mudan yihiin haweenay iga yaabisay! Sahra Xasan iyo sababaha igu kalifay in aan dhacdooyinka dadka la wadaago Iyo gunaanadka sheekada.

Wednesday, September 13, 2017

Shirqoolkii Birmingham-Qaybtii 4aad. Cali Cumar Xasan

F.G: Akhriste, si aad u fahamto sheekada fadlan soo akhriso marka hore qaybihii hore ee qoraalkan, oo aan hoosta kuugu soo lifaaqay.

...Inta aanan bilaabin qoraalka waxan halkan uga mahad-naqayaa dad aad iyo aad u faro-badan oo caalamka ku kala baahsan oo reer Somaliland ah, oo  ila soo xidhiidhay, oo ay qaarkood-na waliba ii soo tabiyeen-ba warar xiiso leh oo isla mawduucan (shirqoolka Birmingham) ku saabsan. Weedho ka mid ah fariimihii aan ka helay asxaabtaas ayaa qaarkood odhanayeen sidan; "waar, waxanu maqalnay in aad dambiyo xunxun samaysay oo lagu xidhay sanado ka hor iyo waliba, qaar yidhi, in gacani ku soo gaadhay ayaanu maqalnay iwm." Hadaba, akhriste, waxa laga yaabaa in aad is-waydiiso oo tidhaahdo, mawduuca ninkani ka hadlayaa waa maxay? mawduucu waa sheeko aniga igu saabsan oo ah ta qormooyinkani ku socdaan, hase-yeeshee, salka ku haysa dagaal lagula jiro qof kasta oo magaca J.Somaliland kor u-haya, oo ay wadaan dad abaabulan oo isku hayb ah ku-na wada xidhiidha baraha bulshada, kuwaas oo nin oday ah oo reer Somaliland ah oo aanu saaxiib nahay waqti hore u-bixiyay "Xamasta." 

Sunday, September 3, 2017

Shirqoolkii Birmingham-Qaybtii 3aad: Cali Cumar Xasan

          F.G: Akhriste, si aad sheekadan si fiican ugu wada fahamto fadlan, marka hore soo akhriso qaybihii hore ee qisadan oo aan hoosta koogu soo lifaaqay!

.... Sidii aan hore ugu soo sheegay qaybihii hore ee qoraalkan, dalka Holland oo aan muddo deganaa waxa aan kala kulmay dhib aad u-foolxun oo na dhex-martay qolyo dhakhaatiir ah iyo dad u shaqeeya dawladda hoose ee degmadii aan deganaa. Arintaasoo ka dhiidhigeedii uu ilaa heer maxkamadeed ila-gaadhay oo aan furay dacwad socotay in ka badan 8sano. Hadaba, waxyeeladan aan isku haysanay dhakhaatiirtan Hollandiiska ah oo ahayd mid aad iyo aad u culus ayaa ku kalifay Hollandiisku in ay dhagaystaan telefoonada qoyskayga, iyaga oo danta ay ka lahaayeen-na dabcan ahayd, inay la socdaan oo ay ogaadaan bal waxa aan ku mashquulsanahay. "Arimaha noocan oo kale ah marka laga sheekaynayo dadka qaar ayaa u qaata wax la-mala-awalayo oo aan jirin, hase-yeeshee, tani, waa mid caam noqotay oo sida aan hore u soo sheegay aniga ka-sokow, ay niman turjumaano ahi baraha bulshada iyo dadkoodaba ku dhex-baahiyeen!