F.G: Akhriste, si aad sheekadan si fiican ugu fahamto fadlan, marka hore hoosta ka akhri qaybaheedii hore oo kala ah "qaybta hordhaca ah iyo qaybta 1aad"
..... Sida aan ku soo sheegay qaybtii kowaad ee qoraalkan"Shirqoolkii Birmingham qaybtii 1aad", dalka Holland oo aan mudo dheer ku noolaa waxanu maryo-dhiigle soo kala furanay dhakhtaro iyo dad kale oo Hollandiis ah oo qoyskayga waxyeelooyin u gaystay iyo, weliba dad Soomaali ah oo ay Hollandiisku adeegsanayeen oo dhuuni iyo faro-guudkood wax lagu qaado lagu soo dagaal gelin jiray! Mudo aan yarayn markii aan hadaba keeb-la-yuurur ahaa ee aan labadaas kooxood ee is-bahaysanaya dhufayska ugu jiray ayaan gar-waaqsaday, in qoyskayga aan mustaqbal wanaagsan oo dambe Holland ugu hadhin ee ay lama huraan tahay in nafta meelo kale loola harbo. Dalka Ingiriiska, oo ay Soomaali badan oo Holland iyo dalalka kale ee Yurub-ba qaxooti ka ahaan jirtay ay hortay u soo guureen, ayaa markii aan taloda rogrognay noogu muuqatay meesha ugu haboon ee wax laga bilaabi karo.