- Ummad waliba waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo had iyo jeer haga mustaqbalka bulshada kana duwa gefaf badan oo dhici lahaa. Hadaba in loo hagar baxaa qorista iyo diiwaan gelinta hawshani waa xil qaran .Bahda mareegta farshaxan waxay si sharaf leh uga codsatey Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka SNM, ahna aqoonyahan ku xeel dheer dhaqaalaha,siyaasada ,iwm , mudane Ibraahim Maygaag Samater inuu la wadaago soojireenkii halgankii dib ula soo noqoshada gobanimadii deeqda loo bixiyey ee wadanka Somaliland .Ka dib markii Bahda mareegta farshaxan la yeelatay xidhiidh telefoon ,wuxuu si hagar la’aaneed Mudane Ibraahim ugu soo diray qoraalkan taariikhgalka ah isagoo kaga waramaya halgankaa . Waxaanu mudane Ibraahin (Ilaahay ha ka abaal mariyee) ku bilaabay qoraalkiisa sidan:
A Short Summary of SNM History.
Marka laga hadlayo bilowgii halganka lama odhan karo waa wax sida makhaayad ama dukaan la furayo waqti go’an oo gaar ah bilaabmay. Ha jirto in rasmi ahaan ururkii SNM bishii April 1981 kii ‘London’ lagaga dhawaaqay. Laakiin colkayagii ilaa bilowgii la socday wuxu u ahaa maraaxil dheer oo isdaba jooga oo marxalad waliba wejigeeda, waajibaadkeeda iyo duruufaheeda gaarka ah leedahay.
Ku dhawaaqidda rasmiga ah waxa ka horreeyey maraaxil dheer oo isugu jiray baraarug, dareen, garasho nooca nidaamkii jiray iyo wixii laga qaban lahaa. Intii dareenku galay si ay u doodaan, wax isu tusaan, isu aaminaan waxay qaadatay waqti dheer oo dhib badan. Waxa lama huraan ahaa in waxaas oo dhanoo socda, haddana sirta laga qarsado nidaamkii jiray. Taasaa keentay habka xidhiidhka reernimada.
Xidhiidhkaasi gudaha iyo dibeddaba wuu ka socday. Dibedda ayaa, sida la garan karo, u gacan bannaanayd. Waxaa dadkii qurba-joogga ahaa bilaabeen lajnado, gaar ahaan dalalka carabta iyo Ingriiska. Kuwii gudaha joogayna xidhiidho hoose oo qarsoodiya ayey lahaayeen: heer saraakiil, heer dhallinyaro aqoonyahan ah iyo heer siyaasiyiinta maamulka ku jirtay qaarkood. Intuba dadweynaha magaalooyinkii degaanka joogay (odayaal iyo wax garadba) xidhiidh bay la lahaayeen. Intaasoo hawl ahna waa in la asturaa. Markii ay arrintu heer gaadhay waa lala oggolaa inay dadkii dibeddu ku dhawaaqaan dhaqdhaqaaqa. Aniga iyo rag kale oo ay ka midyihiin Ismaaciil Cali Abokor iyo Axmed Siilaanyo waxaan ka mid ahayn raggii iyagoo dowlad ku-sheegga ku jira, hawlahaa aan soo tilmaameyn gacan ku lahaa.
Muddo ka bacdi waxa ii Caddaatay inaan labada arrin (dawlad ka dhex muuqo, hoostana abaabul liddi ku ah ka mid ahaw) la isku wadi Karin. Waxa iyana aad u caaddatay in qof daacad ahi dawladdaa ku sii jiri Karin. Haddii qofka daacadda ahi intii hore is lahaa wixii adigu aad tari karto fal, illeyn dalka waa la wada leeyahaye, dembina ka fogow, waxa aad u muuqatay markan, in ku-sii-jirka dowladda laftiisu dembi noqon karo. Anigu markaa waxan ahaa qofkii ugu horreeyey ee, isagoon la eryin, meeshiina laga beddelin, is casiley oo ka tegey. Waxan marmarsiinyo ka dhigtay ilmo iga xanuunsanayey oo aan dalbaday safiirnimo.
Aniga oo safiir ka ah dalkii markaa la odhan jiray Jarmalka Galbeed ayaa lagu dhawaaqay asaaskii SNM. Bil dabadeedna shaqadii dowladda ayaan iska casiley oo aan reerkaygii u raray dalka Mareykanka, halkaasoo aan ahaa qofkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee dalbaday magan gelyo siyaasadeed -Political Refugee. [Laba nin oo reer koonfur ah oo iga horreeyey waxay mareen sharci kale, iyagoo safiirro ka ahaan jiray Mareykan].
Muddo yar dabadeed dadkii abaabulka gudaha ku jiray waxa u muuqatay inay lama huraan tahay in saraakiil loo saaro Itoobiya, si halganku ugu gudbo marxaladda dagaalka hubeysan. Sababo taariikhi ah ayaa go’aakaa qasbay. Waa tii horraantii 1982 kii dhallinyaradii U.F.O la xidhay, xukumay, dabadeedna loo taxaabay jeelasha koonfur. Waa tii dhacdadaasi hurisay gadoodkii dhagaxtuurka ee magaalada Hargeysa.Waxa kale oo isla waqtigaas sii kordhay cadaadiskii ciidamada talisku ku hayey ummadda, kaasoo aan ku koobnayn magaalooyinka laakiin miyigana, siiba koonfurta iyo galbeedka Hargeysa, ay dhib weyn ku hayeen jabhadii talisku sheeganayey inuu u hubeeyey xoreynta Soomaali Galbeed ee aan dadka reer woqooyigu ku jirin. Isla waayhaas waxa kululaaday isku horimadkii dowladd iyo jabhadda SSDF, ee iyana aan dadka reer woqooyigu ku jirin, oo soohdimaha Somalilandna saldhigyo ku lahayd.
Arrimahaas oo dhammi waxay muujiyeen haddaan dhaqdhaqaaqii SNM isu beddelin halgan hubeysan in dadkeedii ku jiriyo ‘irmaan oodan’ oo aan isdifaac lahayn, sahalna ka dhigaya wax kasta oo lala damco. Itoobiyana, dabcan waxay ahayd halka keliya ee hawsha caynkaas ah laga bilaabi karo. Labaadii sarkaal ee ugu horreeyey ee tallaabay waxay ahayeen, Allah ha u naxariistee, Mujaahid Aadan Sh. Maxamed, oo ku magic dheer Aadan Shiine, iyo Mujaahid Axmed Dhagax. Waxa ku xigay, Allah ha u naxariistee, Mujaahid Maxamed Cali. Waxa ku xigay Mujaahid Maxamed Kaahin, oo maanta ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye. Intaa wixii ka dambeeyey way iska daba qulqulayeen saraakiisha baxaysay. Mana ahayn wax qof walba goonidii ugu dhashay. Bal wuxuu ahaa arrin qorsheysan oo uu habeeyey unuggii saraakiisha ee gudaha, kuna gacan qabteen xidhiidhadii kale ee dadweynaha, siyaasiyiin iyo dhallinyaraba lahaa, ee aan hore u soo sheegayey.
Markii saraakiishu tallowday, dowladdii Itoobiya ee markaa jirtay way soo dhoweeysay. Waxa ay se ka fileysay inay ku biiraan SSDF oo ahaa ururkii uga horreeyey Itoobiya, taliskii Siyaad Barrena ka horjeeday. Saraakiishii baxday waxay ku wargeliyeen nidaamkii Itoobiya inay ka tirsanyihiin urur kale oo la yidhaa SNM, kuna qanciyeen in madaxdooda siyaasadeed ee London joogta loo gudbiyo fasaxii soo gelitaanka Itoobiya. Sidaa ayaa lajnadii London degganayd ugu soo guurtay Itoobiya, labadii waaxood ee dhaqdhaqaaquna( waaxdii gudaha iyo tii debeddu) isku soo kabmeen, iyadoo mid waliba leedahay taageerayaasheeda. Dabcan dhismahoodu wuu kala duwanaa, iyadoo ay kallifeyso mid walba duruufaheedo. Waaxda debeddu sii fiican bay ugu habeeysnaayeen guddiyo—dalalka Gacanka Carbeed. Ta guduhu se waxay ahayd unugyo sir ah oo hoos ahaan u xidhiidha.
Guddigii London ka yimid waxa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Cabdi(Duqsi ku magac dheer) oo Allah ha u naxariistii halgankii gobanimadoonka, xisbigii SNL, qayb Libaax ka soo qaatay, Siyaad Barre ka horna Wasiir ahaan jiray; Allah ha u naxariistee, Xasan Aadan Wadaadiid, Xasan Ciise Jaamac; Maxamed Xaashi Cilmi; Mohamed Axmed Jaamac(Dableh). Shirweynihii ugu horreeyey ee si buuxda labada waxood ee dhaqdhaqaaqu isugu yimaadeen waxaa lagu qabtay magaalada Herer(Adari), Itoobiya, horraantii 1983 kii(qiyaasihii bisha March). Halkaa waxa Guddoomiye loogu doortay, Allah ha u naxariistee, Sheikh Yusuf Cali Sheekh Madar, Xasan Aadan Wadaadiidna Guddoomiye ku-xi geen. Waxa xubnaha Guddiga Fulinta (Executive Committee) ka mid ahaa Axmed Ismaacil Cabdi (Dugsi), Xasan Ciisa Jaamac, iyo Maxamed Xaashi Cilmi.
Waxa kale oo shirweynahaa lagu unkay Golahii Dhexe ee SNM(Central Committee) oo saraakiisha qayb gaar ah ilaa (13) laga siiyey. Iyaga iyo dhallintii mutacallimiinta ahaa ee gudaha ka soo baxay waxa la qaabbilsiiyey abaabulka dadweynaha iyo dagaalka jiidaha, halka guddiga sarena qaabbilsanaa siyaasadda debedda iyo xidhiidhkii laamaha dhaqaalaha soo dirayey. Waxda dagaalka waxa hormood u ahaa, Allah ha naxariistee, Mujaahid Maxamed Xaashi(ku magic dheer Lixle). Halkaas ayuu nidaamkii ugu horreeyey ee isku xidhnaa ee SNM ka bilowday. Siyaasadda debedda iyo ta guduhuna noqdeen wax isku lamman oo aan kala tagganayn oo xitaa xubnaha lajnada sare ay waajib ku noqotay inay ka hawlgalaan goobaha dagaalka laga bilaabayey.
Waxa nasiib wanaag ahaa, oo xusid mudan, in iyadoo marti loo yahay dowladda Itoobiya, haddana jiidda halganku ka bilaabmay (ie. Reserved Area) aanay ahayn dal sidaa qurbe u ah, laakiin yahay meel ururka dadkiisii deggan yahay oo uu sii hagar la’aan u marti geliyey, la dagaal galay, sahleyna xidhiidhkii gudaha ee magaalooyinka lal sameynaayey. Waajibaadka waaweyn ee markaa la beegnaa halgankii waxa ay ahaayeen baraarujintta dadka, gudo iyo debedba, bilowga xarumo dagaal, tababarka dhallinyarada dagaalka soo gelaysa, ama ha ka yimaadaan gudaha amaba jiidaha ha laga qortee, iyo ka-dhaadhicinta qadiyadeena adduunweynaha. Hawalahaa baaxadda weynoo dhanna waxay ahayd in lagu qabto qaab dimoqraadi ah---taaso macnaheedu yahay wada-tashi iyo ka qeybgal buuxa oo dadweynuhu leeyahay.
Waxay taa macnaheedu ahaa in jiidaha dagaalka, dadka hawsha ka qayb geliyaa----hadday tahay xeryo mujaahid iyo odayaal abaabulba--- iyagu is habeeyaan oo is-doortaan. Sidaa soo kalena laamaha debeddu iyagu madaxdooda doortaan.Dhismaha caynkaas ahina socdo ilaa madaxda sare. Sidaa saa lagu habeeyey dastuurkii ugu horreeyey ee SNM ee shirweynahii Herar lagu qaatay. Sidaa saa halganka dadkiisu ku yeeshay, naftiisana u huray. Dhaxalka caynkaas ahi waa ka suurtogeliyey nidaamka dimoqraadiga ah ee Somaliland maanta ku dhaqmayso.
Beryahaa dhibihii cuslaa ee SNM la soo beegmay waxa ka mid ahaa cadaadis debedda kaga yimid. Dowladdii Itoobiya ee martida loo ahaa iyo kuwii kale (Yemen iyo Liibiya) ee halganka taageerayey waxay saareen SNM culays weyn inay ku biirto jabhaddii SSDF ee ka soo horrreysay, kana hub badnayd. SNM way ku adkaatay, iyadoo israacii 1960kii ee degdegga-ahaa aan laga macaashin, inay haddana, iyadoo curdin ah, jiritaakeeda u hurto is-raac kale oo aan aayatiinkiisa la garan karin, siiba marka la eego SSDF oo an ku dhaqmayn nidaam dimoqraadiya. Sow, markaa, arrinku noqon mayo: kud ka guur oo qanjo u guur. Iyadoo ka-dhabar-adaygaysa cadaadiskaas waxay SNM ku qancisay dowladihii inay diyaar u tahay wada-hawlgal laakiin isku-darsi iyo isku-milan markay timaad inay si dimoqraadi ah oo aaya-ka-talin ah uga soo go’du xubnaha iyo dadweynaha taageeraya labada urur. Sidaas ayey uga nabad gashay SNM marin-habow, sidaas ayaana asaas u ahayd la-soo-noqoshada madax bannaanidii lagu gaadhay Burco May 1991 kii.
Dabayaaqadii 1983kii ayaa Golahii Dhexe beddelay Guddigii Fulinta ee u badnayd dadkii laamaha debedda oo ku beddelay guddi ay hoggaamineyeen madaxdii saraakiisha ee gudaha ka soo baxay. Waxay ka koobnayd: Marxuum Cabdulqaadir Kosaar(Guddoomiye), Marxuum Aadan Shiine (Guddoomiye ku-xigeen), Maxamed Kaahin Axmed (Xoghayaha-Guud), Xasan Ciise Jaamac (Ku-Xigeen Xoghaya-Guud) oo isugu ka mid ahaa lajnaddii London. Ciidamada waxa qaabbilsanaa guddi dagaal-gelin oo ay ka mid ahaayeen: Marxuum Lixle, Cabdillahi Askar, Marxuum Aadan Salebaan, Marxuum Ibraahim Koodbuur iyo Xasan Yoonis Habbane.
Mudda yar dabadeed waxa waayo-araggu aad ugu caddeeyey madaxdii SNM wax awelba u muuqday: kasoo ah in halganku yahay mid siyaasadeed laakin adeegsanaya dagaalka hubeysan. Waxay xaqiiqadaasi ku qancisay in hawsha labada dhinacba aan la askariyeyn. Sidaa darteed ayaa saraakiishii markaa madax ahaa go’aans deen in hoggannka siyaasadeed ay dib ugu celiyaan madax siyaasadeed oo dadweynuhu doorto, meel kasta ha ka yimaadane. Waxa qanqaabadiisa la galay shirweyne ballaadhan oo meel walba taageerayaasha ururku isaga yimaadaan (jiidaha dagaalka, dalka gudihiisa iyo laamaha debeddaba)
Intii hawlahaasi socdeen anoo deggan gobolka kaalifoornia (California), oo macallin iyo ardayba ka ah, xidhiidh joogta ah ayaan noo dhexeeyey laamahii debedda iyo madaxdii saaxaddaba. Waxan diyaarinayey sidii SNM farac ugu yeelan lahayd USA & Kanada (North America). Faraca London oo hore u dhisnaa waxay Guddoomiye u doorteen Axmed Maxamed Siilaanyo, oo 1982 kii ka soo baxay dowladdii Muqdisho. Isaga iyo aniga ayaa isa soo raacnay si aan uga qayb galno shirweynaha. Warqadda fasaxa dal-galka (visa) markii aan ka qaadanaynay Safaaradda Itoobiya, London, waxa dareenkayagu ahaa mid xiiso gaar ah leh:
(i) waa mar eh dadkeenna iyo jaarkeenna Itoobiya waxa ka dhaxaysay colaad guun ah oo uu abuuray gumeysigii Yurub;
(ii) waa laba eh waxa raadkiisu qoyanaa dagaalkii 1977-78 ee labada dal dhex maray, aniga iyo Axmedna annu waqtigaas wasiirro ka ahayn dowladda Soomaaliyeed;
(iii) isla markii hadana halgankaannu xubno iyo madaxba ka ahayn waa ka go’aanka ku gaadhay inay lama huraan tahay in Itoobiya la tago, iyana, dan kastaba ha la haatee, waa ta gacmo furan innagu soo dhoweysay.
Halkaa waxa ka iftiimayey bildhaan dariiq cusub oo uu mari doono xidhiidhka labada dal iyo labada ummadood. Waqtigaas isaga ah waxa duugga dariiqaasi noqon doono cid sii garan karaysay ma jirin. Waayo, bani-aadmigu mustaqbalka, male mooyee, hubaal uma sheegi karo. Marxaladda la joogo talada kula toosan baa lagu dhaqaaqaa, duco lagu daraa, rajona aan laga quusan. Xidhiidhkaas halganka iyo Itoobiya wuxu sahlay ka guuleysiga taliskii Siyaad Barre; wuxuuna gun-dhig u noqday xidhiidhka fiican ee manta dhex yaalla iyada iyo Somaliland. Itoobiya dhinaceeda waa ta soo dhoweysay, waxna la qabatay dadkii Soomaaliyeed ee ka qaxay qaraxii dagaallada marka hore geesti woqooyiga, markii dambana dhinaca koonfurta ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Waxa weli gacan uur ku jirto ah waxa uu ku dambayn doono doorka ay Itoobiya ka ciyaarayso xaajada koonfureed ee qasan.
Shirweynahii loo ballan sanaa waxa la qabtay August 1984. Waxa lagu dhammaystiray shirweynahaas, oo aan shir-guddoonshe ka ahaa, dastuurkii SNM iyo barnaamijkeeda. Waxa la doortay Gole Dhexe iyo Guddoomiye cusub, taasoo caado noqotay in shirweyne walba sida la yeelo. Waxa Guddoomiyaha cusubi ahaa Axmed Siilaanyo, Guddoomiye-ku Xigeenna waxa, isagoo weli Roma ku maqan, loo doortay Cali Maxamed Wardhiigley (Hawiye, Murursade). Shirweynahanu wuxu kaga duwanaa kuwii hore ka soo qaybgalka taageerayaal aan Isaaq ahayn, siiba Beelaha ku abtirsada Hawiye iyo dirka. Waxay taasi ku suurtowday iyada oo SNM hawl weyn u gashay inay halganka gaadhsiisu dadweyne aan Isaaq ahayn, oo ay xarumo badan oo dagaal ka furatay koonfurta, gaar ahaan gobollada dhexe iyo kuwa aad ba u sii jira geesta koonfureed.
Dadadaalkaa loogu jiray inaan SNM ku koobnaan Isaaq wuxu ahaa mid soo taxan. Laamaha debeddu u may yaraysan la xidhiidhka beelaha kale. Sidoo kale qaybtayadii guduhu dadaal weyn ayaa loo galay arrin taasi, weliba beelaha la wadaagu woqooyinimada. Ha yeeshee, nidaamkii taliska oo ku dhisnaa qaybi-oo-xukun (Divide and Rule) iyo awoodiisa badan (maal, siyaasad iyo xoogba), iyo sir ahaantii hawsha loo waday, waxay ka dhigeen hawshii mid aan midho badan dhalin. Waxa kaliya oo lagu guuleystay waxay noqotay in xarumihii dagaalka ee laga furay koonfurta inay ku soo hirtaan beelaha qaar caddibnaa oo ay ka midyihiin beelaha dirka iyo kuwa Hawiye qaarkood.
Go’aannada kale oo shirweynahaa la gaadhay waxa ka mid ahaa iyada oo la joojiyey-qaybta soocan ee saraakiishu ku lahaayeen Golaha Dhexe. Waxa la gartay inaan qofna derejadii uu kala yimid taliskii Siyaad Barre SNM gudaheeda derejo kaga doonin: hadduu ahaan jiray wasiir iyo hadduu ahaan jiray sarkaalba. Halkan qof waliba innu yahay mujihaad, derejada halganka dhexdiisa uu ka haystaana ay tahay xilka markaa loo dhiibo. Waxa kale oo la magacaabay wakiillo Golaha Dhexe ka mid ah oo qaabbilsan laamaha debedda. Aniga waxa la ii magacaabay Wakiilka Golaha Dhexee ee woqooyiga Ameerika (North America); Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) wakiilka laamaha Sucuudiga; Cali Warsamana wakiilka laamaha khaliijka (Imaaraadka). Isla markii laan waliba waxaya u madaxbannaanayd inay doorato guddigeeda iyo guddoomiyaheeda gaarka ah.
Guddoomiyihii cusbaa guddidiisa fulinta wuxu ku daray, midnimada iyo wadajirka darteed, guddoomiyayaashi ka horreeyey. Marxuum Sheekh Yusuf Cali Sheekh Madar wuxu u magacaabay la taliyahiisa siyaasadda, Marxuum Cabdulqaadir Koosaarna lataliyaha dhinaca dagaalka. Ciidamada laftooda waxa madax looga dhigay Marxuum Aadan Shiine. Talada Caynkaas ahi waxay dhidibbada u aastay dimoqraadiyadda SNM iyo in madaxda la beddelaaba ta ka dambaysa ay garab gasho halkay kaga bilaabi lahayd fadqalalo. Waxay noqotay dhaxal qiimo weyn ku fadhiya, Somali landna ilaa hadda ay ka dhigatay tilmaan.
Shirweynahaa dabadii SNM waxa u bilaabmay hawlo waaweyn.
i- Waxa ka mid ahaa hawlahaas dejinta nidaam maamul oo daakhiliya. Iyadoo la hirgelinayo dastuurka dimuqraadiga ee SNM waxa la isku deyey in nidaam maamul oo isku xidha min goobta dagaalka ilaa laanta debedda la dhagan geliyo. Hawshaa baaxadda leh waxna waa ka hirgaleen, waxna wey suurtoobi waayeen. Waxa hirgalay wada jirkii, midnimadii iyo hawlaha had iyo jeer loo wado si wada tashi iyo dimoqraadi ah. Waxa suurtoobi waayey in ciidamadii la isku dhafo oo laga saaro beel-beelnimada. Dadaalku ma yarayn. Dhallinta ciidamada soo geliya waxa la siin jiray tababar mideysan. Waxa weliba la iska deyey, ilaa bilowgiibaa, in loo kala beddelo meelo aan ahayn halkay u dhasheen, si loo helo ciidan halgan oo ka xoreysan beelnimada. Ha yeeshee dadaalkaa ka sokow, danbaa run sheegtay. Mujaahidiinta ururku mushahar uma hayo, dadkaa masruufa. Adiga oo aan waxba siin ayey naftooda u hureen inay ku dhintaan dagaalka. Markaa halka ay kab ay gashadaan ama go’ay huwadaan ka helayaan lagama celin karo. Halkaasina waa halka ehelka ugu dhowi joogo. Lama huraan waa cows jilaal, danina waa seeto ayuu yidhi Ducaale Suldaan.
ii- Hawsha labaad, oo horeba loo waday, waxay ahayeed in la ballaadhinayo siyaasadda debedda, si ururku u yeesho cod la maqlo iyo carrab la dhegeysto. Idaacaddii Halgan, ee ku tiil Addis Ababa ee aan la wadaagi jirnay SSDF ka sokow, waxa la xoojiyey fiidinta, iyo baahinta iyo xoojinta laamaha debedda ee Ururka ku abtirsada. Intii horee jirtay waxa ku kordhay laamo cusub oo caasimadaha Yurub badankooda taageerayaashii Ururka ee degganaa ka fureen xafiisyo. Laamahaasoo dhan waxa laga hirgelinayey baahinta ujeeddada dagaalka, kashifidda ficillada foosha xun ee taliskii jirey kula dhaqmayey ummadda, baraarujinta dadka qurba-joogga ah, fududeynta si ay dalkaa ay joogaan, iyo ugu dambeyn in dhaqaale loo ururiyo dagaalka, haddii ay kallifto sirba ha ahaadee. Hawshaas siyaasadda debedda heer aad u wanaagsa oo midho dhala ayey yeelatay. Magaalooyinka London iyo Washington waxa ka soo bixi jiray joornaalo joogto ah, waxa xidhiidh lala yeeshay dowladihii shiisheeye ilaayoo la gaadhay dabaayadadii 1988kii in dowladihii taageeri jiray taliska, siiba ta Mareykanku ka gooyaan kaalmadii.
iii- Hawsha saddexaad ee Ururku u guntaday muddooyinkaas waxay ahayd, dabcan, baahinta dagaalka hubeysan, taasoo laba dhinac leh. Dhinac waa baahinta jiidaha dagaalka, dhinacna waa kobcinta dhumucdiisa (breadth and depth of the armed struggle). Geesta baahinta waa tii horeba loo sii faafiyey. Markanse waxa la is yidhi aad u weyneeya dagaalka koonfurta si aan dadka Isaaqa ahi ugu keliyeysan. Runti se, dhinaca Jubbada Sare (Baarrey), Beesha Dirka, oo aan laftaydu muddo joogay ka sokow, baahinta dagaalku geesaha kale way kici kari wayday ilaa waa dambe.
Waxa dan noqotay, markaa, inaan la filqin awoodda yar, dad iyo maalba, ee aad haysato, oo aad ku dadaasho kordhinta dhumucda halka aad wax ka tari karto oo ah geesta woqooyiga. Tab iyo xeesha(strategy and tactics) waxay isugu jirtay dagaalka gaadmada kooxaha ah iyo mid fool-ka-fool ah ba (combination of hit and run guerilla actions as well as some conventional operations). Dagaalka kooxuhu miyi iyo magaallabo wuu lahaa. Waa la xusuustaa hawlahii ay ka midka ahaayeen madax-furashadii maxaabiista ‘Mandera’ ee dhawrka jeer ahayd iyo dagaalladii baaxadda weynaa ee lagu qaadi jiray ciidamada taliska ee fadhiya xuduudda. Waxay ujeeddadu ahayd in la wiiqo awoodda cadowga dhinac ciidan, isla markiina cabsi lagu geliyo nafsadda (morale) dadka u dagaallamaya amaba si kale ugu adeegaya, la xoojiyo dhiirranida kuwa halganka taageeraya, ilaa inta la gaadheyo dhirbaaxada kama dambaysta ee is-hambo raacinaysa.
Gudo-gaalka ‘October-November’ 1984 ee saddax hawlood oo is-daba taxan lagaga galay galbeedka Hargeysa, buuraha Sheekh, iyo bariga Barco, oo taliska ku noqday naxdin iyo werwer, ciidamadiisiina wiiqay, wuxu ahaa tababar ama tijaabo loo sii qaadanayo dhirbaaxadaas u dambaysa. Hawlo badan oo baxaddaas leh oo ay ka mid ahayeen hawlgalkii Hargeysa lagu qaaday madaxda ciidamada amaanka (Axmed Aadan iyo la taliyaashii), markaasoo aan ku-meelgaadh ahaan sii ahaa guddoomiye, ayaa muddo dheer socday ilaayoo uu ka soo galay waqtigii shirweynuhu.
Shirkan damba waxa la qabtay horraantii 1987kii, oo Axmed Siilanyo loogu celiyey xilkii guddoomiyaha. Waqtigaas wuxu talisku laba jibbaaray cadaadiskii uu ku hayey dadka gudaha, siiba magaalooyinka waaweyn oo uu ku soo rogay bando joogto ah. Waxay socotoba, horraantii 1988kii waa tii heshiisku dhex maray labadii talis ee Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo ay Jabuuti dhex-dhexaadisay. Heshiiskaas waxay labada talis isu ballan qaadeen in midna ka kale jabhad ka soo horjeedda aanu gacan siin. Siyaad Barre wuxu mooday in halkaas uu kaga dhammaanayo dagaalkii SNM (iyadoo SSDF muddo ka horba ay shiiqday), dadkeennii gudahana waxay ku noqotay arrin naxdin leh.
Heshiiskaas labada talis dhex maray colkayagii halganka ku guda jiray kumuu noqon fajiciso. Waannu la soconay saadaasha. Waana loo sii diyaar ahaa. Itoobiya waxay naga codsatay in 15km xaggeeda ciidamada SNM loo soo celiyo. Fursaddaas iyadoo laga faa’iidaysanayo waa tii la isku shubay gudaha. Anigu markaa waxan ku soo noqday hawshaydii ahayd laanta Ameerika. Go’aankaa la qaatay khammaarkiisa wuu laha, waayo xooggeenna iyo ka cadowgu wax isu dhigmayey ma ahayn. Laakiin halkii halganku ka bakhtiyi lahaa waxa laga doorbiday in la badheedho oo gebigiisaba loo wareejiyo gudaha dalka.
Jawaabtii taliska iyo wixii ka dhashayna waa la ogaa oo faafaahin uma baahna. Halganka waxay u noqotay macaash weyn. Halki awel SNM ka ahayd wax yaroo kooban, ummaddii gudaha ee soo qaxday oo dhan baa hawshii si buuxda uga qayb gashay. Markan waxay noqotay in dagaalku xadka, buuraha, magaalooyinka hareerahooda ilaa badda, waa meel walba eh, uu ka socdo. Waxay dhalisay in taliskii woqooyiga aanu xukumi karin, koonfurna, ilaa magaalo madaxda, dhaqaalihiisii, siyaasaddiisii iyo nidaam kiisaba khalkhal galo. Waa ta dad badan oo awel aan dhiirran jirin ay dhaqdhaaqeen. Waa ta ay saaxadda dagaalka ku soo biireen ururro kale oo reer koonfureed sida USC iyo SPM, halgankiina aanu maanta keli ku noqon SNM.
Waxaad i weydiiseen maalinta ay iigu naxdin weyneyd iyo maalinta iigu farxadda badneyd labadaba. Ogaada marka hore ayaamaha caynkaasa labada noocba, aad bay u badnaayeen oo lama koobi karo. Halgankan mar aad faraxdo, mar aad qososho iyo mar aad naxdaaba way ku soo marayaan, oo beryo dhanbaa adiga iyo hurdo is-waayeysaan. Haddaanse mitaal soo qaato waxa jiray mar ay naxdinta iyo farxadduba igu kulmeen. Waa horraantii 1989kii. Faqashtii waxay ku guuleystay inay ciidamadeennii qaybta Hargeysa xadka Itoobiya ku soo celiso. Waa markii ugu horreysay ee ciidankeenna ku-dhaca dagaalka (creative initiative) lagala wareego oo la eryado. Shacbigii wuxuu wadhan yahay xeryaha qaxootiga iyo jiidaha miyiga. Waxa waajib noqotay in abaabul ballaadhan iyo weerarro cusub la qaado si loo waabiyo, horana loogu sii socdo. Mar goob-dagaal (battle) laga soo noqday ayaan booqday halkii xannaanada dhaawaca.
Waxan halkaa kula kulmay dhallintii aan laftaydu cishooyin ka hor soo kiciyey oo qaar badani dhaawac yihiin, qaarna shahiideen. Waad garan kartaan dareenkayga sida uu ahaa iyada oo ay weliba waajib tahay in inta hadhayna qalbiga loo adkeeyo. Galabtii furanay idaacadda Raadiyaha BBC. Waa war weyn oo farxad leh. Dagaalyahanno aannu bilow ka hor xeebaha u dhaadhicinay iyo dadweynaha jiidahaasi waa kuwa dagaallo culus galay: geesta galbeed qabsaday Saylac iyo Lowyacaddo; geesta barina Maydh iyo Xiis. Waa ta Faqashtii, illayn baddii loo weydaaraye, magaalooyinkii dib-ugu-guratay. Wixii noo hadhaabaa waa eryo, hambadana salabee.
Sannadkaas 1989 waa markii koonfurna dhaqdhaqaaqa diidmada talisku xoogeystay. Mudaharaadyada masaajidada iyo suuqyadaba laga dhigay. Xitaa odayadii hore oo uu Madax u yahay Dr. Ismaaciil Jimcaale, waa kuwa bilaabay xarakaddii la magac baxday ‘Manifesto’ ee ku dhiirratay inay Siyaad Barre ku tidhaa xukunka si nabadgelyo ah uga deg intaan daadku ku qaadin. Isna waa ka sii kordhiyey xadhigga iyo cadaadiska, xeebta Jasiirana dhallinyarada ku laayey. SNM waxay kaga jawabtay arrimahaas xoojinta dagaalka hubeysan iyo ka dibloomaasiga ahba. Waa ta is-bahaysi la yeelatay USC iyo SPM, oo ay u suurogashay inay dagaalka manta ka holciso oo ku wareejiso koonfurta. Intaasoo dhammi iyada oo ay socdaan, inna soo gudagel waqtigii shirweynahii caadiga ahaa (kaasoo la qaban jiray 3 dii sannadoodba mar).
Markan waxa lagu qabtay magaalo dalka ah oo xoreynsa—Balli gubadle. Waa March 1990kii. Waxa Guddoomiye loo doortay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Anna waxa Golaha Dhexe ee doortay guddoomiyahooda. Hadda ka hor labadaa xil waxa isku hayey hal qof. Waxa la ahaa jabhad dagaal ku jirto oo intii awoodda la ururin karo u baahan. Immika oo neecawdii xorriyaddu inna hayso waxa la yaqiinsaday inay lama huraan tahay in la kala fujiy labada awoodood ee kala ah sharci-dejinta iyo maamul-fulinta. Go’oanka kalee qiimaha weyn leh ee shirweynahaa la gaadhay wuxuun ahaa iyadoo Guurtidii odayada loo aqoonsaday inuu yahay Gole dastuuri ah.
Sheekadii waa inoo dhammaad, xoreyntiina in yar baa ka hadhay. Aan ku yara hakado haddaba arrinta guurtida. Bilowgiiba SNM dhaqdhaqaadeedu wuxu ahaa mid dimoqraadiya, talada dadkana ku dhisan. Sidaa darteedna doorka odayada beeluhu noqoy mid lama huraan ah. Waxay taasi si weyn u sii muuqatay markii la bilaabay dagaalka hubeysan oo u baahan ciidan ururin, maal ururin, taageerada iyo ku dhex dhuumashada dadweynaha. Waxa kale oo qofkii fekerayey u muuqatay in halganku u baahan yahay dhismo laba dhinac leh oo si waxtar ah isu kaaba: dhinaca siyaasadda casriga ah (modern politics), iyo dhinaca hiddaha dhismaha beelaha (traditional clan structure). Dhowr goor ayaa la isku deyey in odayada beelaha loo sameeyo nidaam habaysan. Tijaabadii hore waxay ahay horran tii 1983 oo la sameeyey Guurti Isaaq. Tii labaadna waxay ahayd May, 1985 oo Beelaha Isaaqo ku yeesheen shir tuulada Rabaso. Anoo guddoomiyaha Ururka wakiil ka ah ayaan shirkaa gacan qabashadiisa oday ka ahaa, halkaasoo iyana guddi kale lagu doortay.
Labadaa tijaababa, in kastoo laga faa’iideystay, haddana may hana qaadin. Sababtoo ah iyadoo dowlad kale marti loo yahay, oo odayada u aragta dadkeedii rayidka ahaa, iyo iyadoo odayadii talada beelaha miisaanka culus ku lahaa weli ku jiraan dalka gudihiisa, taliskii cadowga ahaa hoostiisa. Waxay arrintu innoo hirgashay 1988kii markii dadweynahii magaalooyinku soo qaxay. Waa kuwa odayadii Beesha Isaaqu sannadkaas ku shiray tuulada Caddaroosh, oo ku taal dhinaca koonfur-galbeed ee Hargeysa, iskood isu habeey oo abuuray Golaha Guurtida, Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yusuf Sheekh Madarna Guddoomiye u doortay. Waxay odayadu u xeyteen si awoodda dadka oo dhan loogu leylyo halganka hubeysan oo ummadduna dhaqso ugu guryo hoyato.
Waxay SNM u arkayeen odayadu dowladdoodii ay waxay soo qabtaanba u hurayeen, amarkeedana u hoggaansanaayeen, isla markaana ay nabadda beelaha kale lala leeyahay iyo sida wax loo wada qabsanyo raadiyaan. Rag aan ku jiraa waxannu ka dhaadhicineynay odayada inay, intaa hore ka sokow, xubnaha SNM u arkaan ilmahoodii u adeegayey, iyaguna odayaal ahaan qayb weyn ku leeyihiin halka dowladnimadu ka soo unkamayso. Sidaas ayey ku asaasmeen laba gole, oo dastuuri ah oo siman—Golahii Dhexe ee SNM iyo Golaha Guurtiga—taladana wadaaga. Waa aragtaan in dhaxal kaasi gun-dhig u noqday dhismaha dimoqraadiyadda ee maanta ka jira Somaliland.
Ugu dambeyntii aan wax yar ka idhaahdo xaaladdii dagaallada sokooye ee xoreynta dabadeed, dadka qaarna ay sabab uga dhigaan khilaaf dhex yaallay SNM. Lama dafiro karo in khilaaf SNM dhex yaalay. Waa wax cilmi ah, oo ninkii aqoon lehiba garan karo, in marka xisbi ama urur keliyihi jiro in afkaarta kala duwan, tartanka ka sokow, ee caadi ahaan qaadan lahayd qaabka axsaabta kala duwan, ay iska dhex cabbirayso xisbigaas ama ururkaas dhexdiisa. SNM arrintaa waxay ku sixi jirtay doodda dimoqraadiga ee dhex tiil, taasoo ay kaga nabad gashay isku dhac gudaheeda yimaadda intii halganku socday, sida ku dhacda jabhadu badan, haddaad taariikhda adduunka eegto.
Taa ka sokow waxa jiray sababo kale oo murgiyey arrinta, waxaana ka mid ahaa:
i- Ciidamada xoreynta SNM oo, si kasta oo la isugu deyey in la isku dhafo, danta halganka iyo dhismo-bulsheedka (social structure) dadweynuhu ku kallifay inay qaab reer-reer ah u habeysmaan.
ii- Isla markii, haddana mujaahidiintii u darbanaa mabda’a SNM, waayo arag halganna lahaa, qaabka reernimadana xidhiidhka dhexdoodu kala mudnaa, waxay badankoodii ku shahiideen gudagalkii 1988 ee nafhurka ahaa. Waxay inta badan dadku illooban in waqtigaa dabadii SNM tii halganka wadday aanay ahayn tii 1988 ka hor, marka laga reebo in yar oo madaxa, sida Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo xayn yaroo saraakiil ah oo ka soo nabad baxay dagaalkaa gudagalka. Sidaan horeba u soo sheegay, waqtigaa dabadii baaxadda halganka dadkii waday—ciidamo, saraakiil iyo odayaalba—waxay ahaan ummaddii soo baxdey 1988 oo magaca SNM huwan.
iii- Inta waxa dheer dad badanoo Isaaqa ( Beelaha kale bal daayoo) oo halganka SNM debedda ka joogay oo xoreynta dabadeed doorkooda siyaasadeed ciyaaraya.
iv- Sideedabana dabeecadaha halgan xoreyn ama gobanimadoon, sida laga bartay taariikhda adduunka, waxa ka mid ah in marka cadowgu ku horjoogu midnimada guduhu xoog leedahay; marka cadowga laga adkaadana ay soo ifbaxaan danahii gudaha iyo afkaartii kala duwaneyd oo keena khilaaf siyaasadeed. Khilaafkaa siyaasadeed mar wuxu noqdaa midfudud oo lagu toossin karo wada hadal talo-wadaag (democratic dialogue). Marna wuxu noqon karaa mid ba’an oo loo maaro waayo.
Marka intaasoo sababood la isku daro waa la fahmi karaa in isku dhacii sokeeye ee xoreynta ka dib aan loo aanayn karin khilaaf siyaasadeed oo madax SNM dhexyaallay oo keliya, bal loo aanayn karo tababarka siyaasadeed ee ummaddeennu marayso oo aan weli ka xoroobin dhismo-bulsheedkii reer guuraanimada, siyaasadda casriga sida la isu waafajiyaana ay kacaankufkeeda leedahay. Haddii sababto khilaaf SNM oo keliya ahayd maxaa keenay isku-dhacii dambe (1995-1997) ee ka qallafsanaa kii hore, iyadoo SNM aanay jirinba, xukunkana wareejisay 1993 kii?
Labada isku dhacna wax lagu xallilay nidaamkii talo-wadaagga iyo doodad lahaa ee SNM dhaxal u reebtay, hiddanheenna dhinaciisa wanaagsaanna waafaqsan. Taariikhda kumaan maqal jabhad dagaal hubeysa xoreynta ku gaadhay oo, iyadoon xoog lagaga qaadin, xukunka wareejisay sida SNM. Ha jirto in SNM ku guuleysan weyday inay muddadii halganka nidaam adag oo kala-dambeyn leh dhisto, sababo badan, oo qaarkood aan soo sheegay awgood. Dhalliishaa waxa barbar taalla hadii ay sidaas ku guuleysato inay suurogal ahaan lahayd inay xukunka ku dhigto oo, beryo dabadeed loo baahdo in la iska xoreeyo, sida ku dhacda dalalkii xisbi ama jabhad keliyahi talada haysteen. Waxay ila tahay in dhaxalkan ay reebtay ee manta Somaliland ku caano-malaysaa ugu roon yahay aayo-tiinka dambeeto ee koritaanka ummadda.
Waxaa soo diyaariyay
Professor Ibrahim Maygaag Samatar (Allah ha u nxariistee)
No comments:
Post a Comment