..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Wednesday, September 13, 2017

Shirqoolkii Birmingham-Qaybtii 4aad. Cali Cumar Xasan

F.G: Akhriste, si aad u fahamto sheekada fadlan soo akhriso marka hore qaybihii hore ee qoraalkan, oo aan hoosta kuugu soo lifaaqay.

...Inta aanan bilaabin qoraalka waxan halkan uga mahad-naqayaa dad aad iyo aad u faro-badan oo caalamka ku kala baahsan oo reer Somaliland ah, oo  ila soo xidhiidhay, oo ay qaarkood-na waliba ii soo tabiyeen-ba warar xiiso leh oo isla mawduucan (shirqoolka Birmingham) ku saabsan. Weedho ka mid ah fariimihii aan ka helay asxaabtaas ayaa qaarkood odhanayeen sidan; "waar, waxanu maqalnay in aad dambiyo xunxun samaysay oo lagu xidhay sanado ka hor iyo waliba, qaar yidhi, in gacani ku soo gaadhay ayaanu maqalnay iwm." Hadaba, akhriste, waxa laga yaabaa in aad is-waydiiso oo tidhaahdo, mawduuca ninkani ka hadlayaa waa maxay? mawduucu waa sheeko aniga igu saabsan oo ah ta qormooyinkani ku socdaan, hase-yeeshee, salka ku haysa dagaal lagula jiro qof kasta oo magaca J.Somaliland kor u-haya, oo ay wadaan dad abaabulan oo isku hayb ah ku-na wada xidhiidha baraha bulshada, kuwaas oo nin oday ah oo reer Somaliland ah oo aanu saaxiib nahay waqti hore u-bixiyay "Xamasta." 

Kooxdani dhaqan waxa ay ka dhigteen in, qofka ay arkaan inuu wax ka sheegayo xukuumadii askarta ee Siyaad Bare ama, taas bedelkeeda, uu wanaag-ba ku tilmaamayo J.Somaliland ay dagaal aanay u kala hadhin oo afka ah (haatan adin ayaaba ay gaadhaye) ku qaadaan. Xad-gudubkooda iyo gardaradoodu, ma aha uun mid ku kooban dadka Somalilanders-ka ah ee website-yada wax ku soo qorqora ee laga yaabo in adiga iyo anigu aan ka midka nahay, balse, duulkani waxa aanay xataa il-duufin ee ay bar-tilmaamsadaan oo ay waliba si liidata u-caayaan, oo u-ceebeeyaan dadka kale ee Ajanabiga ah (qorayaasha, weriyayaasha iyo cilmi-baadhayaasha) ee sheega wax sumcadda J.Somaliland ladhaya! Tusaale ahaan, falalka ugu caansan ee aynu ognahay ee ay dhawaanahan uun ku kaceen waxa ka mid ah; weerar foolxun oo ay ku qaadeen nin khabiir ah oo dalka Jarmalka u dhashay oo magaciisa la yidhaa Markus Hoehne iyo, koox aqoonyahano ah oo ay asxaab yihiin oo ay wada-sameeyeen soo-na wada-saareen Journal lagu daraaseeyo arimaha siyaasada ee Afrika guud ahaan gaar ahaan-na Geeska-Afrika, kaas oo ay ugu magac dareen "Somaliland Journal of African Studies (SJAS)." 

Magacaa "Somaliland" ee ay aqoonyahanadaas ajnabiga ahi u xusheen Jaraa'idkaa (SJAS) caalamiga ah ee aduunka lagu baahinayo, ee milgada wanaagsan u soo biiriyay dhegta J.Somaliland, ayaa lagu maagay Mr Markus Hoehne iyo saaxiibadiisaba, oo baraha bulshada lagu xagxagtay. Kooxda Somaliland-diidka ahi, iyaga oo ka dibaakhaya Somaliland journal of African Studies waa kuwii sameeyay hashatag (#), magacna uga dhigtay "Cadaan studies" ee arinta midab-takoor iyo qoomiyad-nacayb u rogay,  ee waliba-na ku shaabadeeyay Mr Markus Hoehne iyo akhyaartiisa inay yihiin dad Cunsuriyeen ah! Kooxdii gulufka waday, wax guul ah kama ay gaadhin ee aakhirkii jawaab waxa looga dhigay oo lagu yidhi " waar, hadaad Journal kayagan (SJAS) mid dhaama samaysan karaysaan dee samaysta oo waxayaga faraha nooga qaada dee!

Dhcdadaas uun ma aha ee waa ay badnaayeen aqoonyahanada caalamiga ah ee kale ee ay kooxdan Somaliland-diidka ahi yoolka ka dhigteen. Waxa ka mid ahaa oo ay meel kasta ka af-lagaadayn jireen  0o ay sidii maxasta ugu qamaami jireen ragga-rag ah ee ay ka mid yihiin Dr j. Peter Pham (Maraykan), Dr. Iqbal Jhazbhay (Koonfur Afrika), Dr I.M Lewis (UK). Dr. Ahmed I. Samatar. Dr. Cali Khaliif Galaydh , Drs Edna Adan iyo kuwo kale oo fara-badan. Mutacalimiintaas oo dhamaantood ay kulmiyay hal ujeedo, taas oo ah u-hiilinta, wadhfinta, fooladaynta iyo badhi-taageerista qadiyadda "jiritaanka J.Somaliland. Ilayn waa caadadood oo kama waantoobaan Somaliland-diidku adiyad iyo xasarad ay la kalahaan oo ay kolba xaafad la koraane miyaanad maqal, fadeexaday ku dhaqaaqeen dhawr bilood uun ka hor(xiligii abaartii) ee ay sida yakhyakhsiga leh baraha bulshada ugu cambaaraynayeen, wariya caanka ah ee reer Somaliland Mr Raaga Oomaar, oo waxa kaliya ee ay ku haysteen ahayd, muxuu Raage Oomaar  j.Somaliland uga soo diray wararka ku saabsan abaarta ee uu u tagi waayay meelo kale! Bal adba cadaawada intaas le'eg qiyaas!

Nin karmeedka reer Somaliland ee ay Somaliland-diidku magaciisa meelahaas jiidjiidaan tiro laguma soo koobi karo-e, hadaba, qof ahaan waxan aaminsanahay, Inkasta oo aanan aniga la meeqaam ahayn dadkaas Caan-baxay ee aan dusha ku soo sheegay, hadana, qolyahan haatan maraya inay caruurtayda dhacaan, laayaan ama baraha bulshada iiga-soo-hanjabaan-ba, waxa isku kaaya keenay waa hal shay oo qudh ah, waa " Qadiyadda J.Somaliland, oo aan anigu leeyahay "Ha jirto J,.Somaliland Oo ha Joogto weligeed."

Ninka ragga ahi, meel uu joogaba ma waayo Xamas/ma-kas iyo wax la mid ah oo ka daba-yuusee, waxan iyaga sheekadooda haatan kaga gudbayaa oo ku soo af-meerayaa murti uu lahaa ninkii maskaxda badnaa ee Ingiriiska ahaa ee la odhan jiray Sir Winston Churchill. Taas oo ahayd sidan; "You have enemies? Good. That means you've stood up for something, somtime in your life" oo af-soomaaliga ii-gula muuqata inay u dhigmayso sidan, "cadaw ma leedahay? dhib ma leh. Waxay taasi cadaynaysaa in aad wax (qaiyad) u-is-taagtay waqti ka mid ah noloshaada". Yaa Salaam! Bal xikmadaas eega!

... Aan hadaba ku soo noqono sheekadeenii ahayd "Shirqoolkii Birmingham".  Dib hadii aan idiin yara xasuusiyo qaybihii hore ee qormadan, waxan kaga soo sheekeeyay sida dad Holland-iis ah iyo kuwo Soomaali ah (Turjumaano) ay weli faraha ugu la jiraan noloshayda. Xaqiiqdu sida ay tahay, kuwaas waan ka filayay intaas iyo in ka badan-ba, waayo? waxan ogahay culayska ay leedahay dhibta dhexdayada taalaa. Habase-ahaatee, mid aan qaadan kari waayay oo ilaa haatan iga degi la' ayaan la kulmay, taas oo ah in, dad Ingiriiska degan oo aanaan wax-baba ku kulmin, oo weliba u badan beesha la yidhaa Hawiye, oo qoysas leh, rag leh, dumar leh oo dhalin-yar lehi ay dagaal abaabulan oo cad kula jiraan qoyskayga!  Hadaba, Akhriste, faahfaahinta arintaa iyo waliba ruux dumar ah oo aan iyada qaybtii 3aad ee sheekadan ku carabaabay, kala soco qaybta dambe. Insha Allah.

F.G: Halkan hoose guji oo ka daalaco qaybihii hore ee sheekadan;

http://qodaalonline.blogspot.co.uk/2017/09/shirqoolkii-birmingham-qaybtii-5aad-ee.html
 
"Ha jirto J.Somaliland oo Ha Joogto"

Cali Cumar Xasan (Birmingham-UK)

No comments:

Post a Comment