..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Wednesday, August 2, 2017

"Hordhac": Shirqoolkii Birmingham. Cali Cumar Xasan

Hordhac:

- Bishii Todobaad ee ina dhaaftay badhtankeedii, gabadh reer Somaliland ah oo cadhaysan ayaa soo gashay Tukaan aan ka shaqaynayay. Dabadeed, aniga oo afaafka  tukaanka agtiisa jooga ayay igu tidhi; "Walaal, ninka la yidhaa Cali Cumar Xasan, ee haybtiisu tahay reer Gabiley ma tahay?". Anniguna, ma yaabin mana dafirinne waxan gabadhii ugu jawaabay oo aan ku idhi "Haa", walaal ninkaasi waa aniga.Gabadhii ayaa dabadeed magaceeda ii sheegtay oo tidhi; "Aniga magacaygu waa Sahra, waxana aan ahay gabadh Ina-adeertaa ah, waxana aan saaka kuugu imid inaan kuu digo, oo waa lagu shirqoolayaa oo lagu dhibaataynayaaye aad is-ilaaliso!". Marka ay Sahra (ina-adeertay) erayadaas ileedahay Ilmo ayaa indhaheeda ka soo qubanaysa. Waxa ay sii raacisay iyada oo ooyaysa "kuwii ragayaga ku dhameeyay Soomaaliya ayaa halkan-na (UK) doonaya inay hambadii hadhay ku laayaan!"

Dareen aad u adag oo aan wanaagsanayn ayay gabadhaasi weedhaheedu igaga tageen, waana ta igu kaliftay in aan dadka u soo bandhigo, weerar fool-xun oo ay mudo 3sano ah-ba nagu hayeen dad abaabulan oo rag, dumar iyo dhalin-yarba leh oo reer Koonfur ah oo u badan Hawiye! Dhibaatooyinka  ay ilaa iyo haatan qoyskayga (reer Cali Cumar Xasan) soo gaadhsiiyeen qolyahan is-urursaday oo tabo iyo xeelado badan adeegsanaya waxa ka mid ah;

1; Laba jeer oo wiil aan dhalay ay ka dhaceen lacagta  ardayda Jaamacada la siiyo (student finance) oo cadadkeedu dhan yahay isku gayn £3300. Intaas uun ma ahee, isla wiilkan waxay ka qaateen 3-iPhone oo ay ka xoogeen. "Faahfaahinta arinta iyo sida ay u dhacday ka akhriso qoraalo aan soo bandhigi doono. 

2. Wiil kale oo aan dhalay oo ay madaxa bir kaga dhufteen oo ay qarxiyeen.

3. Telefoonadayada (qoyska oo dhan) oo ay u suurta-gashay inay dhagaystaan , dabadeedna, xogaha qoyskayga ee ay helaan Social-media-ha iyo dadkooda ku dhex-baahiyaan. Ka dibna xogahaas ay dib anaga noogu isticmaalaan oo ay noogu dhibaateeyaan.

4. Police-ka oo ay telefoon u diraan oo ay nagu soo hogaamiyaan, iyaga oo u sheegaya in gurigayaga dagaal, rabshado, qaylo iwm-ahi ka jiraan. 

5. Magaca wiil aan dhalay oo ay si joogto ah cunto (take away) ugu dalbaan (order online) oo ay adarayskaya siiyaan, taas oo dabadeed gurigayaga la keeno, lacagna lana waydiiyo.

6. Aniga (Cali Cumar Xasan) oo ay sawiradayda ku baahiyeen Social media-ha iyaga oo raaciyay codad iyo xoggo ii gaar ah, dabadeed, igu timaamay in aan ahay Paedophile (ragga caruurta yaryar faro-xumeeya). Arintan ma aha mid cusub ee waxa la hal-abuuray 10sano ka hor ee kolba kooxda aan is-hayno ayaa soo cosboonaysata oo hub ay igula dagaalamaan ka dhigata.

7. Iyo in kale oo badan oo qarsoon!

Hadaba, Sahra (gabadhii ii digtay) maxaan u-balan qaaday? arintani goorma ayay bilaabantay, yaase bilaabay? dadkan na hagardaamaynayaa maxay naga rabaan ee ay qoyskayga u bartilmaansanayaan? maxaanu ilaa haatan ka soo samaynay arintan, maxaa-se nala gudboon? mustaqbalka xaaladan qalafsan halkuu ku dambayn doonaa? kuwaas iyo su'aalo kale oo badan-ba waxad jawaabahooda kaga bogan doontaa qoraalo dhawr ah oo aan Insha -Allah dhawaan idin la wadaagi doono. Hadaba, akhristayaasha sharafta leh-oow, waaba intaas oo ay arintani saamayn idinku yeelataaye, idinkuna bal dhaayahiina i yara amaanaysiiya oo la-socda  sheekadan kakan ee dusha oo uu magacoodu noqon doono, magaca ay Sahra X. bixisay ee ah "Shirqoolkii Birmingham".

F.G: Hoosta guji oo ka akhri qaybta 1aad ee Shirqoolkii Birmingham.

http://qodaalonline.blogspot.co.uk/2017/08/shirqoolkii-birmigham-qaybtii-1aad-cali.html

"Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto Weligeed"

Cali Cumar Xasan
Birmingham(UK)

No comments:

Post a Comment