..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Tuesday, August 15, 2017

Shirqoolkii Birmigham- Qaybtii 1aad.; Cali Cumar Xasan

F.G; Akhriste, si aad sheekada u-wada fahamto, fadlan, marka hore akhri qaybta hordhaca ah ee aan boggan (hoosta) ku soo lifaaqay.

Ogsoonoow; "Dhacdadan aan ka sheekaynayaa waa wax dhab ah!"

..... Sahra Xasan, oo ah gabadhii warka digniinta ah ii siday (...ka akhri hoosta qaybta Hordhaca ah) waxan waydiiyay su'aalo dhawr ah oo ay ka mid yihiin halka/cida ay ka maqashay warkan iyo goorta ay maqashay?. Sahra waxay ii sheegtay in sheekadu ka soo maaxatay dumar ku-xidhan Social media-ha oo waxa ay tidhi; "dumar ayaan hadalkan ka maqlay, waana dhab ee walaal is-ilaali oo ogoow sheekooyinkan shakhsiyadaada ku saabsan ee la faafinayo waxa looga dan leeyahay in lagugu dhibaateeyo!" Sahra, waan u mahad naqay, isla-markaana waxan ugu sheekeeyay waxyaalo hore oo dhacay oo arintan ay ii sheegayso ee shirqoolka ahina ay daba-socoto, oo mudo hore ka bilaabmay dalka Holland, waxana ka mid ahaa;

- Sedex dumar ah (kalkaaliyaal caafimaad, umulisooyin) oo u dhashay dalka Holland, oo Isbitaal ku yaal Holland ka shaqeeya oo arin aad u xanuun badani na dhex-martay, taas oo aakhirkii keentay in aan dacwad socotay mudo aad u dheer ku furo. Dumarkaas aan dacwaynayay waxa taageerayay oo la safnaa Isbitaalka ay ka shaqaynayeen, dad kale oo ay isku-xirfad yihiin, dawlada hoose ee magaaladii aan deganaa iyo qareeno. Halka dhinacayga aan anigu keli ka ahaa. Intii ay dacwadaasi socotay laba jeer ayaa xukun dhacay, labadaba-na waxa guushii helay sedexdii dumarka ahaa iyo Isbitaalkii. Hase-ahaatee, anigu kuma qancin go'aankaas. Waayo, waxan hubay In aan saxanahay, balse nasiib daro, aan awoodi waayay inaan cadayn miiska keeno. Cadayntaas o helitaankeedu uu dhaqaale aad u faro-badan ku xidhmay. Waxa jirta maahmaah ay leeyihiin Holland-iisku oo tidhaahda "in aad gar heshaa kuma xidhna in aad garta leedahay" oo macnaheedu yahay, adiga oo gar leh ayaanad helayn, ee gardaranihii garta la siinayaa!

Arintaasi halkaa kuma joogsan ee waa ay sii xumaatay, waxana ay gaadhay in hanjabaado badan oo labada dhinac ahi (aniga iyo iyaga) ay yimaadaan. Dabadeed, qoladii aanu is-haynay iyaga oo awood dawladeed isticmaalaya ayay aniga iyo qoyskaygiiba hilifaha u-qaadeen! Waxyaalaha ay adeegsadeen-na waxa ka mid ah, iyaga oo dhakhtaradii kale nagu diray oo ay qaar badani na diideen inan u noqono macmiil (client), iyaga oo dad turjumaano ah (Somalia) oo dhagaysta telefoonada qoyskayga, isla markaasna akhriya e-mailadayda iyo wax kasta oo kale oo qoraal ah oo aan dirayo ama la ii soo dirayo soo kiraystay. Waxa kale oo ka mid ahaa cago-juglayn muuqata iyo cabsi-gelin toos ah oo dhinacyo badan ka iman jirtay. War-bixino caafimaad oo been ah oo aniga igu saabsan oo ay qoreen. Wax-barasho sare oo aan dhigan jiray oo si-badheedh ah la iiga-hor-joogsaday, Caruurtayda lafteeda oo soo dhawayn la'aan kala kulantay iskuuladii ay ku jireen qaarkood! Cida dhibtaas inteeda badan dhakhtara ku wehelisay ee waday waxa ay ahaayee dad ka shaqeeya Dawlad hoose ee magaaladii aan deganaa, oo aan xaga sare-na ku soo xusay inay la safnaayeen dhakhaatiirtii aan dacweeyay.

Dhinaca kale, turjumaanadii Soomaalida ahaa waxa ay ka-badheedheen oo ay jabiyeen xeerka u-yaal shaqada ay qabanayaan oo ah "inaanad xogaha aad ku hesho shaqadaada cid sedexaad u gudbin!". Qabyaaladu waa belaayee, markii ay Turjumaanadii ogaadeen inaan ahay nin ka tirsan qabiil kale oo ay colaad-siyaasadeed dhex-taalo qabiilkooda, welibana ah nin meelahaas Internet-kana wax ku saabsan dawladii Siyaad Bare iyo dhibtii ay dadka reer Somaliland u-gaysatay ku qorqora, telefoonkana dabcan, waa la isku-xamanayaaye ay ka maqleen inaan shakhsiyaad ka mid ah qabiilkooda, ama si guudba mararka qaarkood aan beeshooda wax uga sheegayo, way ficiiltameen oo waxa ay bilaabeen inay dadkoodii aan wada-deganayn magaalada noo kala sheekeeyaan oo na kala dilaan, oo weliba wax kasta oo sir ah oo qoyskaygu leeyahayna baraha bulshada ku baahiyaan. Halkaasna, waxa ka bilaabantay, cadaawad ka duwan tii hore ee na dhex-taalay dumarka Hollandiiska ah, oo haatan ka dhex-dilaacday aniga iyo dad Soomaaliyeed oo isku hayb ah! Halkan waxan rabaa inaan ka xuso, in turjumaanadu (Holland) aanay Hawiye ahayn, sidaas darteedna, cida aan ka hadlayaa markaas aan joogay dalka Holland aanay beeshaas Hawiye ahayn!

Arinta oo halkaas maraysa oo aan dhufayska iskugu jirno qolyahaas labada kooxood ka kooban (Hollandiis iyo Soomaali), ayaan u soo guuray dalka UK. Akhristoow, hadaba, hirdankii iyo dagaalkii na dhex-yaalay dhakhtaradii Hollandiiska- ahaa iyo dadkii isku-hayabta ahaa ee Soomaalida ahaa midkoodna isma taagin ee wuu sii laba-lexaadsaday, oo meelo kale oo halis ah galay ee la soco qaybta 2aad ee sheekadan yaabka leh dhawaan, Insha-allah!

"Ha jirto J.Somaliland oo ha joogto weligeed"

Cali Cumar Xasan
Birmingham-UK

No comments:

Post a Comment