..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Saturday, March 24, 2018

Wasiir C/raxmaan Guri-barwaaqo, ma waxa uu la mid noqday Filosoofar Marcus Garvey?! Aheey ah!

  "C/raxmaan Guri-barwaaqo, waxa uu ka mid yahay dadka tiroda-yar ee maskaxdiis, magaciisa, maalkiisa iyo muruqiisaba u huray dadka, dawlada iyo dalka J. Somaliland ee...... " Cali
 
- Aduun-yooy Xaalkaa ba'e, Ninkii odayga ahaa ee Guri-barwaaqo ma tanaa u dambaysay!!!! Yaabka yaabkiisa, waxan is-waydiiyaa oo aan kas iyo fahmo-ba u waayay, sababta dadka reer Somaliland ay ugu dhiiran yihiin baabiinta iyo baqsida nin-regeedkooda? Ee taas bedelkeedase ay uga maagaan inay laba-eray ku tuuraan cadawgooda iyo kuwa cidhbaha gooya???
 
Inta aanan u gelin dulucda iyo nuxurka maqaalkan kooban ee taloda iyo wax-sheega ah, bal, dadka aan u-yara sharaxo cida iyo qofka uu ahaa Filosoofar Marcus Garvey (ninka dusha ku qoran); Marcus Garvey, waxa uu ahaa halyay u dhashay dalka Jamaica. Waxa uu ahaa nin aad u caqli wanaagsan, geesi ah oo aad u aragti durugsan. Marcus, waxa uu gaashaan-qaad noqday tii oo ay dadkiisu (dadka madow) yihiin qaar dunida lagu duleeyay! Isma-qariso tayaduye, markii uu kacaamayba waxa uu diiday sida dadkiisu qaayibay oo waxa uu galay halgan qadhaadh oo uu ugu hiilinayo dadkiisa, hankooda iyo haybadoodana dib ugu soo godlayo. Sheekadu way dheer tahaye hadaba hadii aan soo ururiyo, Marcus waxa uu ahaa ninkii ilayska u ahaa kacdoonkii ay ka dhalatay falsafada "Raasta-faara" ee sida lama filaanka ah-na Boqor Xayla-salaasahii Itoobiya karaamada ugu-yeeshay! Dareenkii uu unkay mudane Marcus Garvey, waxa kale oo ka soo mudh yihdi fanaankii waynaa ee Bob Marley ee caalamka qabsaday 1980aadkii! Intaasi uun ma ahee Halyaygani waxa uu qayb wayn ka ahaa olole dadka madaw ee ku nool dalka Maraykanka (USA) lagu baraarujinayay oo la doonayay inay iyagu isku-filaansho gaadhaan oo gobolo gaar ah degaan, oo dawlad samaystaan oo ay ninka cad ka kaaftoomaan. Marcus, waxa kale oo uu dabada ka riixayay talo cudoonayd oo dadka madaw ee awoowyaashood la soo adoonsaday ee dunida ku kala filiqsan la doonayay in dib loogu celiyo Afrika oo ay Asalkoodii ku noqdaan. Isku soo duuboo mujaahidkan Marcus waxa uu ahaa nin wax wayn u qabtay dadka madaw ee Dunida ku nool oo garashadooda iyo fekerkooda kobciyay! Cawo-daro, Marcus dad badani oo ahaa kuwii uu dibad-galeeyay ee uu dabka ugu dhacay lama ay fahmin!

Meel kasta iyo goor kasta hadaba, lagama waayo dad xafash ah oo aan iyagu waxba ku filayn balse yaqaan sida loo xagxagto hal-doorkooda! Dadkii cadaanka ahaa ee uu ninkani la jihaadayay waxa ay dhaameel u-daadiyeen qaar ka mid ah dadkii madoobaa ee uu Marcus xuquuqdooda u ololaynayay oo ay adeegsadeen, kuwaas oo iyaguna ku kiciyay Marcus cawaasiif sharaftiisa baabiisa. Waxa loo sameeyay mu'aamaraadyo badan oo xataa uu dil qorshaysani ku jiray. Aakhirkii ninkii odayga ahaa, wuu niyad-jabay oo uu ku noqday magaaladii uu ku dhashay oo ku taal Jamaica. Halkaas oo uu wax foolxun kala kulmay oo waxa aan daawaday (youtube-clip) ninkii odayga ahaa ee Marcus Garvey, oo ay kuray iyo gambo-yar dhagaxaan ku shiidayaan oo ay leeyihiin; "Waa kan kii tuuga ahaa! Waa kan kii soo waashay! Waa kan kii..... Waa kan kii.... iwm" Aheey ah, miyaan xaalku ahayn, "Waar waxa doqon, ha u-gargaarin hana gargaarsan!"

Maxaan hadaba uga socdaa sheekadaa ninkaa Jamaican-ka ah; Dhawaanahan waxa la-wadhfinayaa buugga magaciisa la yidhaa "Sooyaal" oo uu qoray Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. C/Raxmaan C/Laahi Faarax "Guri-barwaaqo, mudo fog oo haatan laga joogo 6sano, buugaas oo runtii ah mid macno wayn xambaarsan. Waa nasiib-daro-e, waxa lagu eedaynayaa wasiirka tuducyo u tusaale u soo qaatay oo aanu isagu hal-abuurin ee cid kale ay beri hore tirisay!!! Hadaba, is-waydiintu waxay tahay, maxaa haatan loo soo faqayaa tixaha gabayga ah ee Dura (beri fog) rag hore tiriyay? Maxaa indhaha looga lalaniyaa dantii qaaliga ahayd ee waynayd ee qoraalka Buuga laga lahaa? Waa maxay sababta sida badheedhka ah ee qaawan Wasiirka iyo buugaagtiisa (2 buug) loogu weerarayaa? maxaa dumarka iyo caruurta loo kicinayaa? Waxan is-waydiiyay oo kale, waar mudantii dalku aaway? maxaa loogu sii laan-daayay ee ilaa haatan loo la'yahay cid qabata ninkan fudud (Maxamed Bedel) ee xumbada qubaya! Aaway dadkii caqliga u saaxiibka ahaa ee reer Somaliland? Maxaa hablaha la hor-keenayo TV-yada karaamada looga qaadayaa? Yaab.

Taas hadaan halkaa ku mooso,  C/Raxamaan Guri-barwaaqo, horta waa kuma? Buuga Sooyaal (Ina-Cabdalle Xasan ma sheekh buu ahaa mise....?) ee uu qoray-se muxuu uga jeeday?  Shakhsiyan, anigu aqoon uma lihi laakiin, waxan akhriyay qoraalo badan oo uu ku fara-yaraystay oo uu ku bilayo dhaqanka, kuna quwaynayo afka-Soomaaliga! Intaas uun ma ahee waxa kale oo aan daalacday naqdiyo badan oo uu sameeyay oo uu ku bashaaqinayo beeno iyo faan cid gaar ahi haamo ka buuxsatay oo ay dadka Soomaalida ah ee kale ugu tookhayso! Waana bartaa (taariikho la-buunbuuniyay oo cid gaar ahi ay sheegato) halka uu Buugan Sooyaal abaarayay! Marka laga yimaado aqoonta balaadhan ee wax-barasho ee uu kasbaday mudane Guri-barwaaqo, waxa dhab ah oo aan shaki la-gelin karin, in uu yahay nin hibo Allah u siiyay karti uu ku dhadhansanado afka iyo dhismahiisa! Waxan qabaa, in hadii buuga uu qoray C/raxmaan uu laaxin iyo deelqaaf wax u-dhimaya hablaheenan haatan sheekada la soo geliyay ku jiri lahaa, aanu soo daabaceen! Qoraalka buuga Sooyaal danta laga lahaa waa mid aad uga-xeel-dheer ugana fog, meelahan haatan uu ninkan yar ee xanaaqsani ku shaabadaynayo!

Ma aha wax ku cusub dunida in buug la-qoray la qoonsadaa! Mana aha wax ugub ah in buug la daabacay la-mamnuucaa oo weliba mararka qaarkood hadii la isla-qaato la gubaa? Hase-yeeshee, waxa taas ka horeeya in eeda lagu sheegayo buuga ama qorehu tahay mid dadka caqliga u saaxiibka ahi ay isla-ogol yihiin oo wax-dhimaal ah. Xaqiiqdu sida ay tahay, Ilaa haatan, ma hayno wax cadayn ah oo qoonsi ah oo buugan laga helay oo badka taal, taas bedelkeeda-se waxa muuqata in, weerar cad oo aan geed-na loogu soo gaban lagu soo qaaday wasiir C/raxmaan Guri-barwaaqo iyo buugaagta  qiimaha leh ee uu qoray. Waa dagaal si shakhsi ah ugu wajahan wasirka oo ay dad badan oo abaabulani wadaan, ha u horeeyo ninkan (maxamed Bedel) ee marin-habawsaniye.

Talo: Waxa ku odhan lahaa dadka reer Somaliland ee wax-garadka ah; "waar dadku yaanay iskaga kiin ekaan." C/raxmaan Guri-barwaaqo, waxa uu ka mid yahay dadka tiroda-yar ee maskaxdiis, magaciisa, maalkiisa iyo muruqiisaba u huray dadka, dawlada iyo dalka J. Somaliland ee heeganka ugu jira inuu ka difaaco cid kasta oo mu'daro ku wada! Waar ninkan dhalin-yarta ah-na (Maxamed Bedel) ee cadhaysanna ha loo caqli-celiyo oo ha la yidhaahdo "waar wax la-hadh waa la noolaane! Halbahan la khaldayna, waxan odhan lahaa wax-hubsada oo maqla cuqaasha iyo waayeelka same-taliska ah oo bal qaska inaga daaya!

"Ha jirto J.Somaliland oo ha Joogto weligeed"

Cali Cumar Xasan
Birmigham-UK

No comments:

Post a Comment