..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Sunday, August 27, 2017

Shirqoolkii Birmingham-Qaybtii 2-aad: Cali Cumar Xasan

F.G: Akhriste, si aad sheekadan si fiican ugu fahamto fadlan, marka hore hoosta ka akhri qaybaheedii hore oo kala ah   "qaybta hordhaca ah iyo qaybta 1aad"

..... Sida aan ku soo sheegay qaybtii kowaad ee qoraalkan"Shirqoolkii Birmingham qaybtii 1aad", dalka Holland oo aan mudo dheer ku noolaa waxanu maryo-dhiigle soo kala furanay dhakhtaro iyo dad kale oo Hollandiis ah oo qoyskayga waxyeelooyin u gaystay iyo, weliba dad Soomaali ah oo ay Hollandiisku adeegsanayeen oo dhuuni iyo faro-guudkood wax lagu qaado lagu soo dagaal gelin jiray!  Mudo aan yarayn markii aan hadaba keeb-la-yuurur ahaa ee aan labadaas kooxood ee is-bahaysanaya dhufayska ugu jiray ayaan gar-waaqsaday, in qoyskayga aan mustaqbal wanaagsan oo dambe Holland ugu hadhin ee ay lama huraan tahay in nafta meelo kale loola harbo.  Dalka Ingiriiska, oo ay Soomaali badan oo Holland iyo dalalka kale ee Yurub-ba qaxooti ka ahaan jirtay ay hortay u soo guureen, ayaa markii aan taloda rogrognay noogu muuqatay meesha ugu haboon ee wax laga bilaabi karo.

Hadaba, markii aanu Ingiriiska soo degnay ee aanu bilownay la-halganka la-qabsiga dalkan aanu ku cusubnahay ee aanu iskuulo raadin, shaqo raadin iyo degaan barasho ku jiray, huwantiina (Hollandiiskii iyo Soomaalidii) ma ay nasan ee waxa ay guclo iyo orod ugu jireen, sidii ay ku soo heli lahaayeen meesha aan ka deganahay dalka Ingiriiska! Xidhiidho badan iyo waraysiyo kale oo ay sameeyeen ka dib, waxay soo ogaadeen meesha adarayskayagu yahay. Kaas markii ay hantiyeen-na guluf iyo colaad hor-leh ayay naga soo daba-rareen iyaga oo weliba dad halkan degan-na arintii soo geliyay! Dadkan cusub ee Ingiriiska kaga soo biiray dagaalkan naga dhexeeya qolyahii Holland ee isku haybta ahaa oo rag, dumar iyo dhalin-yaro u badan ayaa curiyay wax lala yaabo oo foolxumo wayn runtii noqotay, oo ay ka muuqato cadaawad gaamurtay oo aad u liidata! Taas oo ah inay qoraan dacwado badan oo aniga iga dhan ah oo ay u gudbiyeen Police-ka halkan (UK) iyo weliba hayado kale oo dawladeed oo Ingiriis ah, iyaga oo eed iiga dhigaya in aan ahay nin khatar ku ah bulshada halkan degan iyo "caruurtooda! "Bal hada aad u dhuux erayadan "ninkani waxa uu khatar ku yahay bulshada iyo caruurtooda!"

Nasiib wanaag, meesha la joogaa ma aha Soomaaliya ama Afrika ee waa UK, oo waxa internet-ka ay ku qorqoraan ee baanta ah iyo dacwadda Police-ka loola tagayaa waa ay kala duwan yihiin. Police-ku warka aad u sheegto waxuu kaa rabaa inaad cadayntiisa keento, taasina waa ay ku fashilmeen. "la soco hada, duulkani marka ay waxan samaynayaan, dalkan Ingiriiska-ba ma aanaan deganahay waqti ka badan bil!

Si kastaba-se ha ahaatee, tacabkoodii maarkuu khasaaray ee uu midho-dhali waayay ee la i-xidhi waayay ama wadanka la iga mastaafurin waayay (sidaas oo ah sida ay jeclaayeen), ayay dhinac kale uga wareegeen oo waxa ay hadana bilaabeen inay meelo kale naga soo hujuumaan oo tusaale ahaan ay magaca wiil aan dhalay gubaan (wax ku xumeeyaan), oo inta ay cuntooyin bisil (take away) si joogto ah ugu dalbaan magaciisa ay adarayskayaga ku soo hagaajiyaan. Dabadeedna, la noo keeno cuntadaas oo lacagteedana lana waydiiyo! Waxa ay sameeyaan oo kale oo marar badan dhacay, inay Police-ka u telefooniyaan oo u sheegaan in gurigayaga rabshado ka jiraan, ama la isku laayay, ama dhib kale laga wado. Taasoo keentay in saqda-dhexe, marar badan uu Police aqalka nagu garaacay oo uu yidhaahdo, dagaal ayaa laga sheegaay gurigiinan ama, qof idinka mid ah ayaa na soo garaacay oo sheegay in la dilay iwm. Kuwaas oo dhamaantood aanay waxba ka jirin ee been abuur ay qoladani waday uun wada ahaa. 

Waxa intaas dhinac socda, arimo kale oo iyaga qudhooda ka mid ahaa mushkilado nagu bilaabmay markii aan Ingiriiska soo degnay oo ay ka mid yihiin lacag wiil aan dhalay laba jeer laga dhacay, telefoono sedex ah oo isla ninkaas siyaalo kale duwan looga xaday, kuwan damabe oo aan aaminsanahay inay dhamaantood xidhiidh la leeyihiin isla arimahaas dusha ee ay qoladaas isku haybta ahi wado?

Intaas waxa dheer, mudo sedex sano ah telefoonada qoyskayga waa la dhagaystaa, oo wax kasta oo xidhiidh ah oo aanu aduunka la leenahay nooca uu doono ha noqdee qolyahan aanu is-hayno iyo dadkooda caalamka ku kala filiqsani baraha bulshada ayaa ay iskugu gudbiyaan! 

Akhristoow, hadaba su'aashu waxa ay tahay, sidee ayaa ay ugu suurto gashay inay telefoonadayada dhagaystaan? Qoladii Hollandiiska ahayd-de maxay iyaguna ku soo dagaal galeen? maxaanu ka samaynay? jawaabaha waydiimahaa iyo xoggo kaleba, ka akhris qaybta 3aad ee sheekada "Shirqoolkii Birmingham Qaybta 3aad!"

...... La soco qaybta 3aad ee sheekadan yaabka leh insha Allah dhawaan.
  
F.G; Halkan hoose guji oo ka akhri qaybihii hore ee sheekadan; "Shrqoolkii Birmingham qaybtii 1aad iyo qaybtii hordhaca ahayd."


"Ha jirto J.Somaliland oo Ha joogto waligeed"

Cali Cumar Xasan
Birmingham-UK

No comments:

Post a Comment