..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Thursday, October 27, 2016

Ogaysiis: Ka Qayb-qaado "Petition-ka Ictiraafka J.Somaliland


- Dad-waynaha reer Somaliland ee degan dalkan UK, waxa la ogeysiinayaa in dardar gelinta Petition-kii aqoonsiga Somaliland ee uu diyaariyey saaxiibka reerr Somaliland, mudane xildhibaan Stephen Doughty, ay ka bilaabmi doonto maalinta sabtida ah ee ay Bishan October tahay 29, 2016 dhammaan magaalooyinka waaweyn ee UK. Haddaba waxa la xusuusinayaa dadweynaha reer Somaliland ee degan UK, inay fursad dahabiga ah ay codkooda ugu hiiliyaan qadiyada dalkeena: 

Waqtigu waa  10:00 subaxnimo  illaa 6:00 galabnimo

https://petition.parliament.uk/petitions/131174.

Goobaha loo qoondeeyey inay yimaaddaan oo Ka codeeyaan dadweynaha reer London waa:

East London,
120 Mile End road
Basement
E1 4UN
West London: 
West London Somaliland Community 
13 East Ave, Hayes UB3 2HR

Dadka deggen Magaalooyinka kale ha la xidhiidhaan guddida Ictiraaf raadinta magaaladooda. Waxa halkaa ku diyaar ah hawl wadeenno caawin doona ciddii u baahata.

Fadlan u hiili himilada qarankeena ee xaqa ah.

Allaa Mahad leh,
Amb. Cali Aaden Cawaale

Somaliland UK Representative
Tel:     0207 702 7064 
Mob:    0795 739 6330

No comments:

Post a Comment