..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Monday, November 14, 2016

Turkey, Qadiyadii J. Somaliland Way Ku-habawday oo ay ku Hafatay....


- Safiirka Turkey u fadhiya Soomaaliya waxa uu yidhi, "ujeeddada Turkey ka leedahay wada-hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya waa midnimo Soomaaliyeed oo la gaadho", weedhahaasi waxa ay ku jireen waraysi dhawaan ay la yeelatay idaacada Maraykanku leeyahay ee VOA-Somali. 

Hadaba, su'aashu waxa ay tahay, waa ayo cida ay ka qarsoonayd ee aan arintaasi ogaynin^).  Jawaabtu waxa ay tahay, nin-doqon ah iyo malaha dawlada Somaliland ayaan ogayne cid kasta oo kale way ka dheregsan tahay in dalka Turkiga warkiisu dhayda ka cadaa ilaa iyo bilowgiiba.

Maqalkaa warkaas ka dib, xukuumada J.Somaliland iyada oo muujinaysa cadho ay ka qaaday hadalka Safiirka, waxay markiiba makarafoonka u dhiibtay oo jawaabay af-hayeenka W|A|dibada ee J.Somaliland (Axmed Y. Cilmi) oo yidhi; "waraaq ayaan u diraynaa dalka Turkiga oo aanu kaga dalbanaynaa inay war-cad ka bixiyaan waxa ka jira hadalka safiirkooda, hadii ay ka soo jawaabi waayaan-na calaamatu-su'aal wayn ayaa saaran dhexdhexaadnimada Turkiga ee ku wajahan wada-hadalka J.Somaliland iyo Somalia". Yaab iyo yaabkiis!! Waar waa ayo cida loo dhigayaa ruwaayadan yar ee bilaa-macnaha ahi^).

Mar iyo laba-toona ma aha ee waa Kun goor iyo ka-badan, inta jeer ee uu dalka Turkigu si toos ah iyo si dadban-ba ugu sheegay siyaasiyiinta reer Somaliland in uu danaynayo Soomaaliya, Qadiyadda Somaliland-na aanu lexe-jeclo badan ka qabin. Hadaba, hadii ay madaxda J.Somaliland daacd u yihiin dalkooda iyo dadkooda maxaa ka hor-jooga in ay laba midkood yeelaan;

1. Joojiyaan wada-hadalka Turkigu wado ee u dhaxeeya J. Somaliland iyo Somalia.

2. Ama dadka runta u sheegaan oo yidhaahdaan, xal kale ma hayno oo dan baa ina baday Turkey iyo qorshahiisa qalafsan ee uu wado ee Allah ha inoo shifeeyo-e aan iska liqno oo iimaansano! Oo macnaheedu yahay aynu riciyad u noqon Xamar mar kale (Allah kama dhigo).

Labadaa qodob waxaan ahaynin waa iska uun .......

"Ha jirto J.Somaliland oo Ha Joogto Walgeed."

Cali Cumar Xasan (Self styled politician)

No comments:

Post a Comment