..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Sunday, September 3, 2017

Shirqoolkii Birmingham-Qaybtii 3aad: Cali Cumar Xasan

          F.G: Akhriste, si aad sheekadan si fiican ugu wada fahamto fadlan, marka hore soo akhriso qaybihii hore ee qisadan oo aan hoosta koogu soo lifaaqay!

.... Sidii aan hore ugu soo sheegay qaybihii hore ee qoraalkan, dalka Holland oo aan muddo deganaa waxa aan kala kulmay dhib aad u-foolxun oo na dhex-martay qolyo dhakhaatiir ah iyo dad u shaqeeya dawladda hoose ee degmadii aan deganaa. Arintaasoo ka dhiidhigeedii uu ilaa heer maxkamadeed ila-gaadhay oo aan furay dacwad socotay in ka badan 8sano. Hadaba, waxyeeladan aan isku haysanay dhakhaatiirtan Hollandiiska ah oo ahayd mid aad iyo aad u culus ayaa ku kalifay Hollandiisku in ay dhagaystaan telefoonada qoyskayga, iyaga oo danta ay ka lahaayeen-na dabcan ahayd, inay la socdaan oo ay ogaadaan bal waxa aan ku mashquulsanahay. "Arimaha noocan oo kale ah marka laga sheekaynayo dadka qaar ayaa u qaata wax la-mala-awalayo oo aan jirin, hase-yeeshee, tani, waa mid caam noqotay oo sida aan hore u soo sheegay aniga ka-sokow, ay niman turjumaano ahi baraha bulshada iyo dadkoodaba ku dhex-baahiyeen!

Si kastabase ha ahaatee, aniga iyo Hollandiiska oo is-haysana markii aan ka soo guuray dalka Nederland waxa dhacay 3-shay oo laga yaabo in qaarkood kuugu muuqan karaan wax aan la-aqbali karin! Waxase ay kala ahaayeen kuwan aan hoosta taxay;

- Waa ta kow-baade, sida caadada u ah Hollandiiska, ee ay inta badan ku sameeyaan dadka ka guura dalkooda, dawladii hoose ee degmadii aan ku noolaan jiray waxa ay iga soo daba-dirtay waraaqo badan oo ay ku dalbanayso inan soo celiyo lacag aanaan isku-waafaqsanayn jiritaankeeda, bal-se, ay rabeen inay jujuub iyo xoog ku meel marsadaan! Taas markii aan dood ka keenay ee aanu mudo qoraalo is-dhaafsanaynay ee ku heshiin waynayna, waxa ay keligood go'aansadeen inay maxkamad i-saaraan (waa sida ay qoraalkii u dambeeyay ee ay ii soo diraan iigu sheegeen). Anigu wax jawaab ah kama bixin talaabadaas dambe ee ay igu maxkamadaynayeen, iyaguna wax dambe iguma ay soo celin. Sidaas awgeed, meel uu ku dambeeyay arinkaasi wax war ah oo dambe kama maqal!

- Ta 2aad, dawlada hoose ee degmadii aan deganaa iyo dhakahtaradii Hollandiiska ahaa-ba iyaga oo adeegsanaya dadkii Soomaalida ahaa ee turjumaanada ahaa ee aan qoraaladii hore ku soo sheegay, ayay u suurto-gashay inay adarayska aan kaga noolahay UK soo helaan. "Rumayso ama ha rumaysan," waxa ay isku dayeen in guriga aan deganahay haatan ee ku yaal dalka Ingiriiskana ay sidii Holland oo kale u-dhagaystaan oo u duwadaan Telefoonka iyo Internetka-ba! Isku daygoodii hore hadaba waan fashilinay habase-yeeshee, tijaabadii labaad ayay ku guulaysteen oo ay duhur cad weerar badheedh ah ku soo qaadeen gurigayga iyaga oo koox badan ah oo xataa laba nin oo "Security guard" ah wata oo qalabkoodiina sita. Dabadeedna, birahii uu telefoonkayagu ku xidhnaa ee dibada ku yaalay ayaaba ay iska-farsamaysteen. "Waxa laga yaabaa inad qof ahaan is-tidhaahdo, dadkaasi waxay noqon karaan shirkadaha is-gaadhsiinta ee UK! Haba ka yaabin! Ma shirkad telefoon oo "security" soo kaxaysataad aragtay?!" Todoba cisho ka-dibna, waxa nala soo hadlay qof sheegtay inuu ka socdo shirkada aan guriga ka kiraystay, kaasoo nagu war-geliyay in guriga la iibinayo, sidaas darteed-na, ay doonayaan inay guriga yimaadaan oo wax ka-qiqiyaasaan, waanu ka ogolaanay codsigaas. Dabadeed, maalin Sabti ah ayay gabadhi noo timid iyada oo qalab yar oo saacadaha wax lagu qiyaaso u-eeg gacanta ku sidata. Judhiiba markii ay guriga soo gashay waxa ay toos u abaartay bartii uu xadhiga telefoonka iyo internetku gidaarka kaga yaalay. Ka dib, qalabkii saacada u eekaa ee ay sidatay ayay gidaarka (halka uu telefoonka xadhigiisu galo) ku qabatay oo ay cabaar ku haysay!

Halkaas uun ma ahee, dhawr meelood oo kale-na intii ay gabadhaasi guriga joogtay saacadii ay sidatay waa ay saarsaartay, meelahaas
oo ay ka mid yihiin halka xadhkaga dabku ay gidaarka kaga yaalaan. Xaqiiqdu-se sida ay tahay, waxan aaminsanahay, inay kuwaasi ku-raad-gadasho uun ahaayeen ee halka ay u socotay ahayd telefoonka iyo internetka! Markii ay hawlaheedii dhamaysatay gabadhii waa ay naga-tagtay, dabadeed, shaki ayaa na galay, maalmo ka dib ayaanu la hadalnay shirkadii guriga aanu ka kiraysanay ee gabadhu sheegtay inay ka socotay. Yaabka yaabkiisa, ruuxaas dumarka ah cid soo dirtay iyo qof garanaya-toona ma jiro, guri saylada yaal oo la iibinayaan ma jiro. Dhinaca kale, isla cishooyin ka dib is-bedello aan caadi ahayn ayaanu ka dareenay telefoonadayadii oo ah is-goyn-goyn badan oo aanay lahaan jirin iyo weliba hadalo mararkaa qaarkood aanu ka dhex-maqalno. Intaasi uun ma ahee, waa Soomaali iyo caadkeed oo wax ma qarisee, durba jaarashayadii Ingiriiska ee aanu isku cusbayn ee ay isku haybta ahaayeen kuwii turjumaanada ahaa oo xog aan cidi kale ogaan karin oo qoyskayga ah wadhfinayaa (ka sheekaynaya) na soo gaadhay, barahii bulshadana waa-ba lagu baahiyay, oo waxa marageeda ah Sahra Xasan (gabadahii ii digtay ee qoraalkan-ba sababta u ahayd). 

- Ta 3aad ee muujinaysa inay dhakhtaradii Hollandiiska ahaa, dawladii hoose ee degamadii aan deganaa iyo kuwii Soomaalida ahaa ee ay adeegsanayeen ay weli faraha kula-jiraan hawlahayga waxan mar labaad ka bawsaday, arimo xog ah oo aanan halkan ku soo bandhigeen ee aan ka helay kulamo na dhex-maray aniga iyo gabadh kalkaaliso caafimaad ah oo xaruntan caafimaadka ee aan tago (Gp) ka shaqaysa! 

"....... Akhristoow, la soco qaybta 4aad ee sheekadan yaabka leh (Shirqoolkii Birmingham) oo dad aanan hore idiinku sheegin oo ay ka mid tahay haweenay iga fajicisay ku soo biirtay iyo, xoggo kale oo badan. Insha Allah.

F.G: Fadlan, halkan ka akhri qaybtii 4aad ee sheekadan shirqookii Birmingham
 
http://qodaalonline.blogspot.co.uk/2017/09/shirqoolkii-birmingham-qaybtii-4aad.html

"Ha jirto J.Somaliland oo ha joogto weligeed"

Cali Cumar Xasan
Birmingham-UK

No comments:

Post a Comment