..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Friday, September 29, 2017

Dadka Oromoda, ha loo ogolaado inay degaan J.Somaliland

"Ugu dambaynta bal, labadaa fal ( Oroma-nacaybka iyo u hiilinta Rooxaniga-Burma) isku geeya oo maxaa kuu soo baxaya?? Sal-fudayd ayaa muuqanaya." Cali

- Dadka reer Somaliland, oo caan ku ah dal-marnimadu waxa ay mudo dheer oo Qarniyo ah u dhoofayeen dhamaan qaaradaha aduunka, halkaas oo qaar badan oo inaga mid ahi ay dagayeen, ka shaqaysanayeen, ku dhalayeen oo ay waliba ugu damabayntana dalbanayeen Jinsiyadda wadamada ay martida u yihiin oo la siinayay. Hadaba, waxa aan is-qabanayn oo wax la diido ah, in aan caalamka ku nidhaah: "tiinana aan idin-kula dhuuqno taaydana noo daaya," oo aanu ujeedo, aan dhulalkiinana idin-la yeelano kaayaguna gaar ha anoo ahaado. Arintaasi wax soconysa ma aha.

Dhinaca kale, malaha waydaan dhaadini, miyaydaan ogayn in dadka ajnabiga ahi uu yahay xoog, xeelad iyo xoolo kuu soo biiraya. Waaba J.Somaliland, oo aan iyadu wax-dhaqaalo ah haba-yaraatee ugu deeqin soo dhawaynta dadka Ajaanibka ah, horumarintooda ama xirfad u-samayntooda-e, dalalka hore-u-maray, waxa ay u qoondeeyaan lacago aad u faro-badan oo ay ku bixiyaan dadka u soo hayaamay dajintooda, daryeelkood iyo weliba quudintooda inta ay isku filaanayaan. Intaas ka sokow, caafimaadkooda ayaa la daryeelaa, ubadkoodaa wax-barasho la siiyaa, xaasaskooda/ waalidkoodaa loo soo qaadaa. Waxaas oo wax-tar ah waxa looga dan leeyahay si dadkan hayaanka ahi ula-qabsadaan bulshooyinkii ka horeeyay oo ay iyaguna dhismaha dalka (siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan-ba) dhinacooda ka galaan.

Dadkeenan la karaameeyo ee ay J. Somaliland ku faanto ee loogu yeedho Qurbo-joogta, ee meel kasta oo Koonkan ku yaal ah lacagta ka soo dira ee dalkeena dhistay ee maalgeliyay, ee Xaggaa kasta fasaxyada yimaada ee moodka badan keena een weliba biiliya reerahu, hada garo oo, waxa ay iyaguba joogaan oo ay dhalashadoodana haystaan dalal kale oo rag leyahaye. Waxa taa ka sii mudan oo in carabka lagu adkeeyo u baahan, Dalka Itoobiya, miyaanu ahayn kii aan ku badbaadnay markii ay ugu darayda dadka reer Somaliland (1981-1991kii), waar miyaanu Itoobiyaanku ahayn kii bixiyay maxastaada maalintaan ilkaha ku sidanay ma-yeedhaanka iyo nugulka (waayeelka, bukaanka iwm), taasi uun ma ahee, haatadan, miyaanu dalka Itoobiya ahayn isha ugu wayn ee dhaqaale ahaan uu dalkeenu ku xidhan yahay?!

Saaxiibka keliya ee runta ah ee aan ku leenahay Afrika iyo malaha Caalamka-ba ee aan siyaasad ahaan, amni ahaan, horumar ahaan iyo bulsho ahaan-ba aan aadka ugu tiirsanahay maanay ahayn Itoobiya? Intaas iyo in kale oo ka badan oo ah masaaliixda aan ku qabno dalka Itoobiya iyo dadkiisuba, waxa ay san-dule iyo dirqi inagaga dhigayaan hadii aynu nahay reer Somaliland, inaynu Ixtiraam iyo walaalnimo kal-iyo-laab ah u hayno oo u muujino dadka reer Itoobiya ee ay Oromadu ka mid-ka tahay. Waar miyaan dhegaheenu is-maqlayn oo aynaan Xis fekera lahayn, goorma ayay dadka masaakiinta ah ee Oromada ah ee shaqooyinka aan inagu nacnay inoo qabtaa noqdeen cadawgeena? Waar, goorma ayuu durba nasteexeena iyo nacabkeenu iskaga keen ekaaday? Waar taariikhda dib u raaca oo wax ka barta, bal, inay waxoogaa caqli ah idiin kordho. 

Ugu dambaynta, shilkan yar ee dhawaan ka dhacay Hawadaay (Itoobiya) ee ay iskaga hor yimaadeen dad Itoobiyaan ah (Oromo iyo Soomaali) waxa ay mudh soo siisay, Allaylehe, sida aynu u-sal-fudud nahay! Waxay markhaati ka tahay in si dhib-yar lsteerinkeena loo duwi karo oo dhankii la doono la inoo jeedin karo. Yaabka yaabkiisa, waar ma arkayseen sida qiiradu inoo qaaday ee qaar inaga mid ahi ay u-jiboodeen, ee ay judhiiba, xabad ula-dhaceen dad masaakiin ah oo Oromo ah? Waar, ma daawanayseen kuwii jaadlayaasha ahaa ee "xaaraarada-qaadka" durba Kenya u yaacay? waar ma maqlayseen dacaayadii afka laguugu riday ee lagu yidhi :"ha iibsan jaadka Itoobiya waa la sumeeyee?". Waxa taas ka sii xanuun badnaa, qolyahan saxaafada Somaliland ee Kamaradaha ku ugaadhsanayay dadka masaakiinta ah ee Oromada ah ee Hargaysa iyo Berbera soo magan-saday, ee sawirka qaldan ka bixinayay joogitaan ee ku shaabadaynayay sidii waxay yihiin dad duulaan inagu ah!!!

Waxan hubaa, in waxaas oo idilba ay rag ka soo horjeeda qadiyadda J.Somaliland ka soo shaqeeyeen, oo looga dan lahaa in la iska horkeeno J.Somaliland iyo Itoobiya. Waana ay ku guulaysteen. Waxase fajac dadka ku noqday, fudaydka inagu jira ee aan xadba lahayn!  Tiiyoo aan xumaanta lagula kacay dadka Oromada ah la amakaagsanahay, ayaa waxa meel kale ka  fad-kudiyay, kuwo TV-yada kaga qaylinayay "ciidamada qaranka Somaliland" ha loo diro dalka Burma (Aasiya) si ay u badbaadiyaan dad muslim ah oo ay is-haystaan dawladooda? Bal qoodhaa iyo xeradaa caqliyadaa eega! Ugu dambaynta bal, labadaas fal ( Oroma-nacaybka iyo u hiilinta Rooxaniga-Burma) isku geeya oo maxaa kuu soo baxaya?? Sal-fudayd ayaa muuqanaya.

Gabogabo;  labadaa arimood ee yaryar ee bishan aan ku jirno ka dhacay dalka J. Somaliland, waxa ay badka soo dhigeen in shacabkeenu u baahan yahay wacyi-gelin aad u balaadhan, oo lagu barayo halka iyo cida ay dantoodu ku jirto. Sidaasn darteed, dawlada J.Somaliland xil ha iska saarto inay maskax ahaan u dhisto dadkeeda si qaladaadka noocan oo kale ahi aanu mar dambe u iman.

"Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Weligeed"

Cali Cumar Xasan

No comments:

Post a Comment