..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Wednesday, February 7, 2018

Tacsi: Geerida "Caasha Bide Buux-AHUN

" Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun"

- Aniga oo ah Cali Cumar Xasan oo ku hadlaya magacayga, ka qoyskayga, ka walaaladay, ka dadkii badnaa ee kala duwanaa ee ay Caasha Bide Buux soo korisay ee ku kala filiqsan daafaha aduunyada, ka asxaabtayda, ka dadwaynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK, waxan tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaa Kayse Ibraahim Siciid, Xasan Ibraahim Siciiid iyo Mahdi Yuusuf oo ay shalay (06-02-2018) hooyadood Caasha Bide ku geeriyootay dalka Sweden.
 
Waxan leeyahay walaaladay, Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga siiyo geerida ku timid Hooyo Caasha Bide, marxuumaddana Eebaheen janada Fardawsa ha ka waraabiyo. Allah ha u naxariisto-e Caasha Bide waxa ay ahayd adoomad naxariis badan oo dad aan tiradooda la qiyaasi karin oo kala duwan  gacanta soo qabatay oo soo korisay.

Naxariistiisa Allah ha ku abaal-mariyo.

"Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun"

Cali Cumar Xasan

No comments:

Post a Comment