Warbaahinta
kala duwan oo ay ka mid yihiin; BBC,
VOA, FOXNEWS, TRIBUNE [USA], WASHINGTON POST, NEWYORK TIMES, NEWS24, HORNDIPLOMAT, AFRICAREVIEW,
MAGAZETINI, BLOOMBERGQUINT, CETUSNEWS, iyo Wakaaladda Wararka ee dalka
Shiinaha oo la yidhaa [XINHUA], ethiopiaobserver.com, mereja.com,
updatesnews.com, worldnews.easybranches.com, worldaffairsjournal.org,
newsafrica.ga, kenya.myasalon.com, latestafricanews.com,
daily.news.itthon.ma,
-
Beesha caalamka iyo warbaahin fara badan oo dunida ka mid ah, ayaa ka
hadashay natiijada doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee Guddiga
Doorashadu shaacisay 21-kii bishan November, taas oo ay ku guulaystay
xisbiga KULMIYE oo ay u sharraxnaayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo
Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)
oo helay in ka badan 55% codadkii shacabka Somaliland dhiibteen.
Madaxda
qaar ka mid ah dalalka jaarka ah iyo kuwo kale oo caalamka ku yaal,
ayaa dhambaalo kala duwan u soo diray Madaxweynaha cusub ee shacabka
Somaliland doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo badhkood
warbaahinta ku baahiyeen halka kuwo kale oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Ethiopia iyo safiirrada Safaaradaha Maraykanka, EU-da, Jarmalka ay
xidhiidho toos ah ay la soo sameeyeen Madaxweynaha oo ku bogaadiyeen
doorashadiisa madaxtinimada dalka, iyagoo u rajeeyey inuu ku guulaysto
xilka culus ee fuulay.
Sidoo kale, dalalka saaxiibada la ah Somaliland ee ka qaybqaatay dhaqaalihii lagu hirgeliyey diiwaangelintii codbixiyayaasha iyo doorashadii Madaxtooyada Somaliland, ayaa iyaguna war-murtiyeed ay soo saareen ku soo dhaweeyey natiijada doorashada ee uu ku dhawaaqay Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyo Madaxweynaha ku soo baxay Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kaloo isna Madaxweynaha cusub khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim isagoo ku sugan magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, waxaannu hambalyo iyo bogaadin kadibna uu Alle uga baryey Madaxweynaha inuu gudashada xilkaasi u fududeeyo, kana dhigo kii caddaalad iyo horumar ku hoggaamiya ummaddiisa.
Dhinaca kale, warbaahin fara badan oo ka mid ah kuwa caalamiga ah ee adduunka oo isugu jira telefishanno, jaraa’id iyo wakaaladaha wararka ee caanka ah, ayaa warbixinno ka sameeyey natiijada doorashada Somaliland ka qabsoontay oo la isku raacay inay ahayd tii ugu hufnaanta badnayd oo la adeegsaday diiwaangelin lagu hirgeliyey tiknoolajiga casriga ah ee sawira bu’da indhaha.
Warbaahinta caalamku waxay warrantay natiijada kasoo baxay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13kii Nov.2017, waxaanay dhammaantood sheegeen in tartankii u dhexeeyey saddexda Musharrax ee ku loollamayey jagada Madaxweynaha uu ku guuleystay Musharraxii xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo noqonaya Madaxweynaha 5aad ee beddeli doona Madaxweynaha hadda Mudane Axmad Maxamed Siilaanyo oo siday warbaahintu sheegeen isagu diiday inuu jagadaa isku soo taago muddo xilliyadkiisa labaad, taasi oo iyaduna noqotay ammaan gaar ah oo uu dheeraaday madaxda Afrikaanka ah.
Warbaahinta kala duwan oo ay ka mid yihiin; BBC, VOA, FOXNEWS, TRIBUNE [USA], WASHINGTON POST, NEWYORK TIMES, NEWS24, HORNDIPLOMAT, AFRICAREVIEW, MAGAZETINI, BLOOMBERGQUINT, CETUSNEWS, iyo Wakaaladda Wararka ee dalka Shiinaha oo la yidhaa [XINHUA], ethiopiaobserver.com, mereja.com, updatesnews.com, worldnews.easybranches.com, worldaffairsjournal.org, newsafrica.ga, kenya.myasalon.com, latestafricanews.com, daily.news.itthon.ma, ebru.co.ke, today.ng, graffiotech.com, THEVOTINGNEWS, world.news.digitaltippingpoint.com, hoxforum, humanitariannews.org iyo kuwo kale oo badan, ayaa dhammaantood si wayn u baahiyey natiijada doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo tirada codadka ee ay kala heleen Saddexda Xisbi Qaran, iyadoo Xisbiga Kulmiye oo ah ka ku guuleystay tartankii doorashada uu ka helay codadkii dalka ka qabsoomay in ka badan 55%, halka uu Xisbiga Waddanina ka helay in ku dhaw 41%, Xisbiga UCID-na 4%, waxaanay Warbaahintani iftiimiyeen in goob-joogayaal caalami ah oo ka soo kala jeeda 27 dal ay caddeeyeen in doorashadii ka dhacday Somaliland tahay mid ay Afrika inteeda kale wax ka baran karaan.
Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee korka kala socday doorashadii Madaxtooyada oo tiradoodu dhammeyd ilaa lixdan [60] xubnood waxay qireen in doorashadu ahayd mid u dhacday si xor iyo xalaal ah, waxayna intaa ku dareen in aanay wax la xusi karaa ka dhicin goobihii codbixinta ee dalka oo tiradooda guud ahayd in ka badan kun iyo lix boqol oo goobood oo ah kuwii dadku ka codeeyeen.
Wakaaladda Wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua oo soo xiganeysay war-saxaafadeed uu Madaxweynaha dalka jaarka ah ee Soomaaliya Mr. Farmaajo ugu hambalyeynayey Madaxweynaha cusub ee loo doortay inuu dalka Somaliland inuu hoggaamiyo muddada shanta sanno ee soo socota Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxay sheegtay inuu si wayn u hambalyeeyey Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo sidoo kalena aad u ammaanay qaabkii ay u tartameen saddexda Murrashax ee Somaliland, doorkii codeynta ee dadweynaha iyo isku tanaasulkii la sameeyeyba, taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inay tahay guul usoo hoyatay dhammaan dadka Soomaalida.
Waxa kale oo uu intaa ku daray Farmaajo inuu u ballanqaadayo Madaxweynaha cusub ee Somaliland inuu kala hawlgeli doono sidii dib ay ugu furmi lahaayeen wadahadalladii istaagay ee u dhexeeyey Somaliland iyo Somaaliya.
Xigasho: Hadhwanaagnews.
No comments:
Post a Comment