..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Sunday, December 3, 2017

J.Somaliland, 15 wasiir (PhD) oo bilaash ku shaqeeyaa laga helayaa-ye Toloow, ma la danaynayaa?

"M/weyne dalka iyo dadka cid wax u-qaban karta oo aqoonteeda leh u xul"- Cali

- Waxa la isku habaaraa " Talada Allah kaa qaad ama Taagtaada Allah kum tuso". Aniga oo aan hakranayn J.Somaliland hadana, waxa aan la qarin Karin ee muuqata in wax wayni Dawladeena si ka yahay! Waxan is-waydiiyaa mararka qaarkood, waar toloow, xukuumadihii kala dambeeyay ee J.Somaliland soo maray maxay ku diideen inay dadkooda aqoonta iyo waayo-aragnimada balaadhan ku galadan ee magaalo kasta oo dalkeena ka mid ah hoganaya ( iyaga oo mushaharkoodii hawl-gabka qaata) ama dibadaba ku gudhaya ka faa'iidaystaan??

Waxa dhab ah oo aan aniguba ogahay, in habeenkaa caawa ah dalka J.Somaliland laga soo helayo 50-qof oo Takhasusyo kala duwan oo darajada ugu saraysa ah (PhD) soo kasbaday, oo Aduunyada ka soo shaqeeyay oo haatan hawl-gab ah, oo hadii la waydiisto inay dalkooda bilaash ugu shaqeeyaan diyaar u ah! Hadaba, su'aasha in laga jawaabo u baahani waxa ay tahay, miyaanay haboonayn in la xasuusiyo m/waynaha cusub in aanu isna il-duufin fursadaa qaaliga ah ee ay xukuumadihii hore dayaceen, ee uu dadka iyo dalkaba ugu faa'iideeyo maskaxahaas mugga wayn leh ee Allah ka dhaliyay J.Somaliland!

 Ninbaa laga hayaa; "Arin xumadayda, biyaha balaygayga ku jiraa baahidoodu I-dilaysaa" Allaylehe waa arin in la-dabo-qabateeyo u baahan. Waar ha laga faa'iidaysto mutacalimiinta caalamka ka soo shaqaystay ee haatan cadceeda iyo hawada u soo doontay dalkooda hooyo, ee weliba jeclaan lahaa inay khibradooda uga faa'iideeyaan wadankooga hooyo ee curdinka ah ee gargaarka dhan kastaba leh u baahan.

Mudane M/weyne, dalka iyo dadka cid wax u qaban karaysa u xul.

"Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Weligeed".

Cali Cumar Xasan.

No comments:

Post a Comment